Wasaaradda Waxbarashadda Puntland oo tababar u furtay 60 Macalimiin dumar ah oo ka kala yimi goboladda puntland.

60-ka mid ah Macallimiinta dumarka ah ee wax ka dhiga Iskuulaadka Hoose dhexe ee dugsiyada Puntland ayaa maanta looga furay tababar Kulliyadda Macallimiinta ee GTEC Garowe.

Tababarkaan oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Hay’adda UNICEF ayaa qayb ka ah kor u qaadidda waxbarashada Dumarka taasoo looga dan leeyahay in la helo gabdho macallimiin ah oo leh aqoon durugsan oo ay wax ku bari karaan Ardayda gaar ahaan Gabdhaha ardayda ahna ee inta badan waxbarashada uga taga meel dhexe inay ku dhiiri geliyaan, korna ugu qaadaan niyadooda waxbarasho.

Tababarkaan oo socon doona muddo hal sano ah, waxaa la rajaynayaa in la gaarsiiyo ilaa 560 Macallin oo dumar ah, kuwaasoo wax ka dhiga dhammaan dugsiyada Puntland, waxaana lagu xeraynayaa Xarunta Jaamacadda GTEC (Garowe Teacher Training Center Garoowe), iyadoo loo qabi doono tas-hiilaadkooda Jiifka iyo mushaharaadkooda oo si toos ah ugu socon doona.

Agaasimaha Tababarada Macallimiinta, Mashaariicda iyo Farsamada Gacanta Maxamed Cali Faarx (Faramayeeri) ayaa Furitaankii Xafladda tabarkani hadal kooban oo uu ka soo jeediyay ku dhiiri geliyay Macallimiintii tababarkaasi loo furayay inay ka soo dhalaalaan kaalintooda ayna waajibaadkoodu noqon doono inay kor u qaadaan aqoonta Ardayda gaar ahaan dumarka, sidoo kalana ay kaalin dhiiri gelineed ku yeeshaan gabdhaha waxbarashada ka taga ama ka hanjaba markii ay soo koraan oo ay waxbarashadu meel dhexe u marayso, Wasaaradda ayuu sidoo kale Sheegay Agaasimuhu inay ku dadaalayso in la kordhiyo tirada iyo tayada Macallimiinta gabdhaha ah ee wax ka dhiga dugsiyada Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxa ay muddooyinkii ugu dambaysay waday qorshayaal kor loogu qaadayo waxbarashada gabdhaha iyadoo horay ugu dirtay gabdho badan Waxbarasho Dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba ah, una iclaamisay barnaamij loogu uruurinayo dhaqaale si gacan looga geysto waxbarashada gabdhaha, tababarkan ayaa sidoo kale ka mid ah qorshayaasha kor uqaadidda waxbarashada gabdhaha iyadoo la soo saarayo macallimiin aqoon dheeraad ah leh kaaliin mug lehna ka geysta waxbarashada guud ahaan dhallaankeenna iyo gaar ahaan ku dhiiri gelinta gabdheheenna.

Hoos ka Daawo Sawiradii Haweenka Macalamiinta puntalnd.

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top