WASAARADDA WAXBARASHADDA OO SII SAGOOTISAY ARDAYDII KA QAYB GASHAY TARTANKII QURAANKA KARIIMKA EE GOBOLADDA PUNTLAND

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda ee Puntland Mudane Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa waxa uu xaflad sagootineed u sameeyay aradaydii ku tartamaysay Quraanka Kariim ah ee bishii Ramadaan ka socday Masaajidka Al-Hudda ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.  Xafladaan ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland. Xafladaan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dawlaha Maamul Wanaaga ee Puntland mudane Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo hawshaa dawladu u xilsaartay. Mudane Gaashaan waxa uu ardaydii ku bogaadiyay in ay ku dhiiradaan barashadda Quraanka Kariim-ka ah. Ardayda ayaa waxa ay ku kala tartamayeen soddanka (30-ka) jus ee Quraanka, sidoo kale ardaydu waxa ay ku tartamayeen 20 iyo 10 jus.

Ardayda 30 Jus ku tartameysay waxaa kaalinta kowaad galay ardayga lagu magacaabo Shucayb Maxamed Cabdulaahi oo ka socday Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar. Kaalinta labaad waxaa galay Cismaan Siciid Xuseen oo ka socday Degmadda Carmo ee gobolka Bari. Halka kaalinta saddexaad uu galay Cumar Cabdiraxmaan Maxamed oo ka socday Degmadda Bosaaso ee Gobolka Bari.

20 Jus ee Quraanka Kariimka ah waxaa kaalinta kowaad u galay ardayga la yiraahdo Cabdirashiid Xuseen Faarax oo ka socday Degmadda Qardho, kaalinta labaad waxaa galay Faarax Siciid oo ka socday Carmo, halka kaalinta saddexaad uu galay Cabdiraxmaan Cabdullahi Saalax oo ka socday Degmadda Bosaso.

10 Jus waxaa kaalinta kowaad u galay ardayga lagu magacaabo Saalax Cabdiraxmaan Axmed oo ka socday Carmo, tan labaadna waxaa galay Axmed Xassan Axmed oo ka socday Waaciya, halka kaalinta saddexaad uu galay Saalax Cabdiraxmaan Cabdulaahi oo ka socday Qardho.

Guud ahaan tartankaan ayaa markii saddexaad lagu qabtay magaalada Garoowe gaar ahaan masaajidka Al-Hudda. Waxaana gacan ka gaysatay Shirkadda Isgaarsiinta Golis, Salaama Bank iyo Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Degmadda Qardho, ee Gobolka Karkaar ayaa ku guuleysatay kaalimaha ugu horeeya, halka Degmadda Carmo ay Kaalinta Labaad ay gashay.

Daawo Sawiradda

 

Dek Mohamed Warsame

Head of Media Unit

Ministry of Education – Puntland

Cell:- +252 907 743400

Scroll to Top