Wasaaradda Waxbarashadda iyo Wasaaradda haweenka Puntland ayaa wadda xusay maalinta Caruurta Africa.

Wasaaradda waxbarashada iyo  Wasaaradda Haweenka dowladda Puntland ayaa  xarunta Iskuulka hoose dhexe ee Darwiish ku qabtay munaasibad lagu xusayo maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16-ka bisha June.

???????????????????????????????

Xuskan waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxwaynaha Cabdixakiin Cabdilaahi Camay,wasiiro.ardayda iyo masuuliyiin ka socda Hay’addaha kala ah Unicef, Mercycorps, CARE, ADRA. Save Children, RI, World Vision, SFS iyo Adeso.

Waxbarista Gabadhaha iyo ka hortaga faqriga ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay xuska caruurta Africa waxayna dhowr caruur ah oo goobta ku sugnaa ay soo bandhigeen riwaayad iyo suugaan ka hadlaysa xaalada Caruurta Africa gaar ahaan Soomaaliya waxayna ku muujiyeen in caruurta ay u baahan yihiin in la taageero oo aqoontooda kor loo qaado.

Masuuliyiin badan ayaa xuskan ka hadlay waxaa ka mid ah wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin waxayna sheegtay inay muhiim tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka caruurta haysta siiba kuwa Puntland ee danyarta ah.

Iyadoo ku hadlaysay afka wasaradaha waxbarashada iyo Haweenka ayay waalidiinta Soomaaliyeed ka codsatay inay dhowraan xaquuqda caruurtu ay lee yihiin isla markasna lasii xoojiyo wacyi galinta ku aadan dhallaanka.

Marrianne Clark Hattingh oo ah madaxa hay’adda Unicef ee Puntland oo ka hadashay munaasabadaan ayaa waxay sheegtay 59% caruurta ku nool Puntland inaysan dugsiyada aadin. Waxayna dhinaca kale soo dhaweysay balanqaadka xukuumada ee ah in lacag la’aan laga dhigayo waxbarashada aas aasiga ah iyo miisaanadiyada lagu kordhiyay waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Ing Camey oo qudbad ka jeediyay xuskaan ayaa sheegay inay xukuumadu wado dadaalo ku aadan sidii lacag la’aan looga dhigi lahaa waxbarashada aas aasiga ah si ubadku aysan noqon waxbarasho la’aan.

Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenku inay muhiim tahay in la daryeelo waxbarashadooda , caafimaadkooda iyo dhaqankooda madaxdii berito oo uu ula jeedo caruurta soo koraysa oo ah mustaqbalka berito.

Ing, Camey ayaa ugu baaqay waalidiinta inay ubadkooda ku ilaaliyaan waxbarashada iyo in la ogaado macalimiinta wax udhigaya caruurta inay yihiin kuwo si sax ah wax ubaraya caruurta. “ Waxaan ognahay meelaha qaarkood in laleeyahay malcamadaha ama dugsiyada waxaa caruurta loogu dhigaa afkaaro kale. Marka waxaan u sheegaynaa waalidiinta sida ugu dhow ee loola soconkaro waxbarashada caruurta inay tahay iyagoo si joogto ah ula socda dugsiga ilmahooda waxka bartaan.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame iyo ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cali Faarax ayaa xuskaan ka maqnaa waxayna dhawaan safar ugu ambo baxeen dalka Suudaan, iyagoo u tagay sidii deeqo waxbarasho loogu heli lahaa ardayda reer Puntland.

Cali Xaaji Warsame ayaa wakiishay wasiirka haweenka Puntland Aniso C/Qaadir Xaaji Muumin. Wuxuuna horey uga cudur daartay inuusan kasoo qeybgalidoonin xuska maadaama uusoo galay safar dibada ah.

Maalinta caalamiga ah ee caruurta Afrika aya soo bilaabatay sanadkii 1976 xilligaas oo dalka koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Suweyto uu ka dhacay xasuuq loo geystay caruur aan waxba galabsan.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

 


 

Scroll to Top