Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare oo xustay Maalinta Macalimiinta Adduunka.

05/ok/2015/ Maalinta Macalinka  Adduunka ayaa maanta laga xusay magaalada Garowe,munaasabad ay kasoo qayb galeen masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Puntland kuwa kuliyada Tababarka Macalimiinta iyo Ardayda kuliyada ayaa lagu qabtay Kuliyada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarshada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in maalinta macalimiintu ay muhiimad u leedahay cidkasta oo ku howlan waxbarashada,waxaa uuna sheegay inay tahay maalin loo baahan yahay in laga qayb qaato xuskeeda.

Maxamed Cali ayaa ku booriyey macalimiinta inay da daal uga laan sidii ay xirfadooda macalinimo kor ugu qaadi lahaayeen isagoo carabaabay in wasaaradduna ay ka caawin doonto.

Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Ow Yusuf Ciise ayaa dhankiisa hambalyo ku aadan maalinta macalimiinta udiray dhamaan macalimiinta Puntland,waxaa uuna sheegay in macalinku uu yahay midka bulshada hormarkeeda ka shaqeeya, sidaa darteedna ay muhiim tahay in la xuso.

Abshir ayaa xusay in wasaaraddu ay xooga saari doonto Tababarada Macalimiinta si loo hormariyo xirfada macalinka.

5 octobar ayaa la xusaa maalinta macalimiinta, waxaana laga hadlaa Faa’iidada uu bulshada u leeyahay Macalinku,iyo sdii looga taageeri lahaa caqabadaha hortaagan.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_1225 IMG_1229
IMG_1231 IMG_1232 IMG_1233 IMG_1234 IMG_1235 IMG_1236 IMG_1237 IMG_1238 IMG_1239 IMG_1240 IMG_1241 IMG_1242 IMG_1243 IMG_1244 IMG_1245 IMG_1246 IMG_1247 IMG_1248 IMG_1249 IMG_1250 IMG_1251 IMG_1253 IMG_1255 IMG_1257 IMG_1262 IMG_1263 IMG_1265 IMG_1267 IMG_1268 IMG_1269 IMG_1271 IMG_1272 IMG_1278 IMG_1279 IMG_1280 IMG_1282 IMG_1283 IMG_1284 IMG_1286 IMG_1296 IMG_1297 IMG_1298 IMG_1299 IMG_1303 IMG_1306 IMG_1313 IMG_1314 IMG_1315 IMG_1316 IMG_1333 IMG_1334 IMG_1341

 












Scroll to Top