Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare iyo Hay’adda Mercy Crops oo ku wareejisay shaybaar ama lab Dugsiga sare ee Gambool.

06/jun/2016- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo Hay’adda Mercy Crops ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyey qalab kiimiko Dugsig sare ee Gambool iyadoo Hay’ayada Mercy Crops ay si rasmi ah u wareejisay Gudoonka Waxbarashada iyo Maamulka iskuulka.

Waxaa sificaan oo Wax ku ool ah u sharaxay khabiir dhanka shaybaarka (lab Technition)ahna Latalyaha dhanka shaybaarka Dugsiga sare ee Gambool/ Maxamed Siciid (Cayn Sane).

Caynsane ayaa sheegay baahi wayn u qabo shaybaarkan Casriga iskuulku  oo isku jira qalab iyo kiimikooyin badan. ugana Mahad celiyey wasaaradda waxbarashada iyo Hay’add Mercy Crops

Hay’adda Mercy Crops iyo Hay’add AET ayaa ka Tageera Dugsiyadda Sare ee Puntland  Labka  shaybaarka iyo Dhismayaasha.

Waxana ardayda Kaga Fa’iidaysanyaan  Shan  maado oo kala ah Chemistry, Biology, Physics, Math, iyo English. Suu Hadalka u sharaxay khabiirka dhanka shaybaarka (Caynsane)

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan iyo Gudoomiyaha Waxbrashada Gobolka Nugaal  xaashi xuseen Faarax ayaa la wareegay qalabkaan oo loogu talo galay in ay ardaydu xiliyada loogu talagalay kaga Faaiidaysan xisadahooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cabulqaadir Cismaan ayaa sheegay muhiimada laga leeyahay labka  inay tahay, in kor loogu qaado heerka waxbarashada  ardayda dugsiyada sare  si ay u noqdaan kuwa hela Waxbarasho Tayo Leh

Masuuliyiinta waxbarashada iyo hay’adda Mercy Crops  ayaa sida wadjair u sheegay in mashruucaan uu si toos ah mardhow gaynaya Xarumha Waxbarashada Gobolada Kale sida.

Dugsiga sare ee Cumar Samatar Galkacayo, Dugsiga sare ee Shiikh Cismaan ee Magalada  Qardho.

Dugsiga sare Boosaso public ee Magalada Boosaso.

Dhinaca kale, Cali Ibraahim Xuseen ( Cali Suudaani)  ayaa la wareegay Agbakii kiimikadda isagoo kala wareegay Wasaaradda waxabarashada iyo Tacliinta sare  iyo Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal.

Cali suudaani  wuxuu sheegay in wasaaraddu muddoyinkii ugu Danabysay ay tababaro kala duwan siisay macalimiin Dugsiga sare ee Gambool hay’adda Mercy Crops dhismayaal fiican u samaysay Dugsiga.

                                                           Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_2810 IMG_2798 IMG_2799 IMG_2800 IMG_2802 IMG_2803 IMG_2805 IMG_2807 IMG_2808 IMG_2809 IMG_2810 IMG_2811 IMG_2816 IMG_2823 IMG_2826 IMG_2827 IMG_2829 IMG_2830 IMG_2831

IMG_2832 IMG_2833 IMG_2835 IMG_2837 IMG_2838 IMG_2839 IMG_2841 IMG_2843 IMG_2844 IMG_2845 IMG_2848 IMG_2851 IMG_2853 IMG_2854 IMG_2856 IMG_2858 IMG_2860 IMG_2861 IMG_2863 IMG_2865 IMG_2867 IMG_2870 IMG_2871 IMG_2872 IMG_2873 IMG_2876 IMG_2878 IMG_2880 IMG_2882

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top