Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare iyo Haya’dda EAT oo Tababar u soo xiray Qorayaasha Manhajka Cusub.

17/07/2016 -Ku-simaha  agaasimaha guud Cabdulqaadir Yuusuf Nuux ahana Agaasimaha Waxaada Taya-Dhawrka iyo Kormeerka Guud ee Wasaaradda iyo Tacliinta sare ayaa wuxuu u soo xiray tababar laba maalmood ah oo ku saabsan qoridda mananhajka  Waxbarashada Puntland 10  xubnood oo uga socday Hoteelka Gobsoor ee magalada Garowe. Tababar kaas oo ku saabasanaa horumarinta manhajka  iyo qoridda mawduucyo muunado ah (Prototype  Materials) oo ah buugaag yar yar.

Tababarkan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  oo ay caawineyso Hay’adda la yiraahdo, EAT (African Education Trust) oo dhanka  Wasaaradda waxbarashadda kala shaqaysa.

Waxa inta uu socday  Tababarku lagu soo bandhiagy ama lagu  buugaag loogu talagalay iney daboolan baahida ay u qabaan Macalimiinta iyo ardayda.

Ujeedadda Tababarkaan ayaa waxaa uu ahaa muhiimadiisu

  • Waxa tababar u tahay qorayaasha buugta Manhajka cusub
  • -Waxay kaloo khibrad ama Tababar u tahay Macalimiinta Manhajka fulinaysa oo u gudbinaysa ardayda.
  • Waxay kaloo fudadayanaysaa in la is bar bar dhigo manahajkaan cusub ama   in la qiimeeyo  waxa uu manahajkii hore kaga fiicanayanahy.
  • In lagu tijaabiyo barashada aradyayga iyo barrida macalinka si loo qiimayo waxaa manhajkani dheer yahay manhjkii hore

 

Maxamed Cali Waa bari  oo ah Madaxa Haya’da EAT (African Education Trust) ayaa marka hore u mahad celiyay  qoraayasha Manhajka oo tababarkan si fiican uga faa’iidaystay , waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la helo buugaag Tayo leh oo fahmi karo macalinka iyo Ardayga.

Dhinaca kale Kuliyada Tababarka  Macalimiinta ee GTEC ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa Waxaa tababar loogu qabtay macalimiin ka howl  gala kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC   iyagoo  loogu  Tababarayey Qaab dhismeedka Manhajka cusub.

Macalimiinta ayaa la rabaa inay fahmaan Manhajka cusub una  gudbiyaan macalimiinta say ay Tabaraan macalimiinta ku xaraysan  kuliyadda.

Macalimiintaas oo hadhow u gudbinaya aradayadooda si ay  ula qabasadaan Manahajaka cusub  ee Wasaaradda Waxabarashadu soo wado.

Hoos Ka Daawo SawiraddaDSCF0747 DSCF0746 DSCF0748 DSCF0687 DSCF0688 DSCF0690 DSCF0698 DSCF0708 DSCF0710 DSCF0713 DSCF0714 DSCF0718 DSCF0719 DSCF0720 DSCF0728 DSCF0729 DSCF0744 DSCF0745
DSCF0773 DSCF0777 DSCF0761 DSCF0762

 

DSCF0720 DSCF0728 DSCF0729 DSCF0744 DSCF0772 DSCF0773 DSCF0761 DSCF0762

 

Daawo sawiradii macalimintii  Qaab dhismeedka manhajka  lagu  tababarayey oo isla Wadeen Wasaaradda Waxbarsahada iyo  Haya’dda EAT oo GTEC Lagu qabtay.

DSCF0649 DSCF0651 DSCF0653 DSCF0655 DSCF0656 DSCF0657 DSCF0658 DSCF0659 DSCF0660 DSCF0661 DSCF0685 DSCF0666

 

DSCF0666 DSCF0661

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top