Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo dhagax dhigtay Dhismo lagu kordhinaayo Dugsiga Xamdaan Boosaaso.

5/Dec/2015-Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal lagu darayo Dugsiga Xamdaan ee Magaalada Boosaso oo ka mid ah Dugsiyada hoostaga wasaaradda waxbrashada Puntland kaas oo kuyaala magaalada Boosaaso.
Mashruucan dhismaha lagu kordhinayo dugsigaas waxaaa fulineysa Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda Puntland oo gacan kaleysa Hay’adda Care oo inta badan ka shaqeysa Arimaha bulshada iyo waxbarashada.

Maamulka Dugsiga Hoose Dhexe ee Shiikh Xamdaan Cabdiqaadir Maxamed Qorax oo ugu horeyn goobta kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihin ugana mahadcelinayaan  wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Hay’ada Care oo fulinaya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in dhismaha qeybtan cusub ee ay ku dareyso wasaaradda Dugsigan ay qeyb ka tahay Horumarinta wasaaraddu ku wado goob kasta oo waxbarasho, waxaana uu rajeeyay in sifiican looga faaiideysto dhismahan ayna noqoto mid wax ka bedesha bulshada reer Puntland.

Dr-Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo sheegay in waxa ugu muhiimsan ee qaybta ka qaata baahinta waxbarashada iyo in ardayda ay ku nagaadaan waxbarashada ay uu kamid tahay taynta goobaha waxbarashada

” waxa ugu mihiimsan ee waxbarashada baahinteeda qaybta ka qaatana waxaa weeye in la helo goobtii wax lagu dhigan lahaaa ,marka in ardayga helo meel wanaagsan ,fasalo wanaagsan , qalab wanaagsan oo uu wax ku barto , macalimiin wanaagsan , waxay qayb katahy in ardaydu ay siyaadaan , isla markaasna ay kunagaadaan waxbarashada ”

Gabagabadii Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Dr-Maxamed Cali Faarax ayaaa u mahadceliyay cid kasto oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub ee lagu kordhinaayo dugsiga Shiikh Xamdaan oo ay ugu horeyso Hay’ada Care.

 Hoos ka Daawo sawirada

IMG_5797  IMG_5801IMG_5802IMG_5805IMG_5806IMG_5807IMG_5808IMG_5809IMG_5810IMG_5811IMG_5812IMG_5813IMG_5814IMG_5815IMG_5816IMG_5817IMG_5818IMG_5820IMG_5821IMG_5822IMG_5826IMG_5827IMG_5828IMG_5829IMG_5830IMG_5831IMG_5832IMG_5833IMG_5834IMG_5836IMG_5838IMG_5839IMG_5840IMG_5842IMG_5843IMG_5845IMG_5846IMG_5847IMG_5848IMG_5849IMG_5850IMG_5851IMG_5852IMG_5854IMG_5856IMG_5857IMG_5858IMG_5859IMG_5861IMG_5863IMG_5864IMG_5865IMG_5867IMG_5870IMG_5871IMG_5872IMG_5873IMG_5874IMG_5876IMG_5877

 

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

Scroll to Top