Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo tababar ufurtay in kabadan 170 macalimiin ah oo wax ka dhiga dugsiyada sare.

03/07/2014      Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa tababar u furtay 171 macalimiin ah oo isaga kala yimid dhammaan gobolada Puntland, kuwaas oo maanta la isugu keenay xarunta tababarka macalimiinta ee GTEC -Garowe

Macalimiintaan oo dugsiyada sare ka dhiga maadooyinka kala ah Sayniska, Xisaabta iyo Engilish-ka ayaa muddo bil ah la siindoonaa daruus la xiriirta maadooyinka  ay dhigaan si loo kobciyo aqoontooda.

Agaasimaha waaxda mashaariicda, tababarada iyo farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada Pland Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay furitaanka aqoon korarsigaan ayaa sheegay qorshahaan inuu ku yimid kadib markii sanadkii lasoo dhaafay ay ardayda ku liiteen maadooyinkaan. iyadoo uu  sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado cida maadooyinkaan dhigaysa.

Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay, inkastoo ay sareyso aqoonta macalimiinta hadana aan laga maarmi Karin in lala socdo wixii soo kordha sida, ka wacyi galinta ardayda ee arimaha Tahriibta , burcadbadeeda , xaalufinta deegaanka iyo u sinaanta waxbarashada ragga iyo dumarka.

Axmed Sheekh oo ka socday Hay’adda CARE ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u xoojin lahaayeen tababarada macalimiinta Puntland , iyadoo uu sheegay inay muhiimadu tahay in la helo macalimiin tayo leh.

Madaxa imtixaanaadka Puntland ahna kusimaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamed Maxamuud Warsame ayaa sheegay tababarkaan inuu qeyb ka yahay silsilado tababaro ah oo soo bilowday bishii june ee lasoo dhaafay.

Axmed Saahid wuxuu macalimiinta ugu bishaareeyay marka ay tababarka dhameystaan inay helidoonaan shahaadooyin muujinaya inay leeyihiin aqoon macalinimo oo dhameystiran.

Tababarkaan maanta furmay iyo kuwo soo socda ayaa waxay qeyb ka yihiin mashruuca waxbarasho waa Iftiin oo uu maal galinayo Midowga Yurub ayna fulinayso hay’adda CARE International.

Daawo Sawiradda.

DSC05356DSC05358DSC05362DSC05365DSC05366DSC05367DSC05371DSC05373DSC05374DSC05375DSC05376DSC05377DSC05379DSC05380DSC05382DSC05383DSC05385DSC05387DSC05394DSC05395DSC05396DSC05397DSC05398DSC05401DSC05402DSC05403DSC05404DSC05407DSC05409DSC05410DSC05412DSC05416DSC05419DSC05424DSC05430

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top