Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo gabagabeysay imtixaanaadkii guud ee gobolada Puntland.

Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa maanta soo afmeertay imtixaanaadkii guud ee Puntland oo ay u fadhiyeen ardayda fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyo kuwo fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe oo imtixaanka galay maalintii sabtida ee 24ka bishaan.

Inkabadan 10.000 oo arday ah ayaa imtixaankaan kaga qeybgalay 70 xarumood oo kuyaala gobolada Puntland. Waxaana Todobo kun oo kamid ah ardaydaan ay ka socdeen dugsiyada dhexe gaar ahaan fasalka 8aad.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga taxadareen inuu imtixaanku yeesho wax qalad ah habo yaraatee. Wuxuuna sheegay inay kormeer ku hayeen imtixaanka tan iyo markii uu bilowday.

Wasiirka ayaa sheeay walwalkooda ugu weynaa inuu ahaa in uu imtixaanku dib u dhac ku yimaado maadaama bishii january ee sanadkaan uu dalku galay doorashooyin madaxtinimo oo ay xilkii kula wareegtay xukuumad cusub. Lkn wuxuu sheegay dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen shaqaalaha wasaaradda waxbarashada inay suurto gashay in imtixaanku qabsoomo waqtigii loogu talo galay.

Imtixaanka maanta lasoo gabagabeeyay ayaa ahaa imtixaanka fasalada 4aad ee dugsiyada sare iyadoo maalintii shalay lasoo gabagabeeyay kuwa 8aad ee dugsiyada dhexe.

Wasiir cali xaaji ayaa u mahad celiyey Macalimintii Kormeerayashii,SHaaqalaha dhaxe ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciidamada Amaanka  ee Puntland iyo bahda saxaafadda oo sifiican uga qayb qaadatay.

Bisha August ee sanadkaan ayaa lagu dhawaaqidoonaa natiijooyinka imtixaanada kadib markii wasaaraddu ku sameyso saxitaan ka dhacidoona xarunta wasaaradda ee Garowe.

Daawo sawiradii Wasiirka Waxbarashadda Puntland oo Kormeer ku marayey  dugsiyadda sare Imitaxaamadka Galayey.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DSC04865 DSC04866 DSC04867 DSC04868 DSC04869 DSC04870 DSC04871 DSC04872 DSC04873 DSC04874 DSC04875 DSC04876 DSC04877 DSC04878 DSC04879 DSC04880 DSC04881 DSC04882 DSC04883 DSC04884 DSC04885 DSC04886  DSC04888 DSC04889 DSC04890 DSC04891 DSC04892 DSC04893 DSC04894  DSC04896 DSC04897 DSC04898 DSC04899 DSC04900 DSC04901 DSC04902 DSC04903 DSC04904 DSC04905 DSC04906 DSC04907 DSC04908 DSC04909 DSC04910 DSC04911 DSC04912 DSC04913 DSC04914 DSC04915 DSC04916 DSC04917 DSC04918 DSC04919 DSC04920 DSC04921 DSC04922 DSC04923 DSC04924 DSC04925 DSC04926 DSC04927 DSC04928 DSC04929 DSC04930 DSC04931 DSC04932 DSC04933 DSC04934 DSC04935 DSC04936 DSC04937 DSC04938 DSC04939 DSC04940 DSC04941 DSC04942 DSC04943 DSC04944

                                               Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
                                                     Deeq Maxamed Warsame
                                                     Contact Number: +2525743400
                                                        Deeq.hurre99@gmail.com
Scroll to Top