Wasaaradda waxbarashada Puntland oo kulan usoo gabagabeysay 219 Macalimiin ah oo loo diyaariyay imtixaanka shahaadiga.

 Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa kulan usoo gabagabeysay 219 macalimiin iyo Kormeerayaal ah,kuwaas oo loogu  talo galay inay ka qeyb qaataan Imtixaanka shahaadiga oo  24-ka bishaan ka furmi doona dhamaaan gobolada Puntland.

Kulankaan oo maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda PSU xarunteeda Garowe ayaa waxaa goob joog ahaa 219 ruux oo isugu jiray  kormeereyaal iyo ilaaliyaal  imtixaanka u qaadidoono dhammaan sagaalka gobol ee Puntland. 11 kormeerayaal guud iyo guddiga imtixaanka ayaa sidoo kale kamid ah dadka kulanka loo qabtay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo lahadlay ka qeyb galayaasha ayaa kula dardaarmay waajibaadka loo igmday inay sida ugu daacadsan ugasoo baxaan si looga hortago wax walba oo qalad keeni kara.

Wasiir ku xigeenka wuxuu uga hambalyeeyay allena uga baryay inuu ufududeeyo kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha howsha culus ee loo igmaday oo uu ku tilmaamay inay tahay shaqo culus oo taabanaysa mustaqbalka ardayda reer Puntland.

Hay’adda AET(Afriacan Education Trust) oo kamid ah hay’addaha si weyn ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada ayaa qeyb ka qaadatay  kulamada loo qabtay dadka ku kulugta leh imtixaanaadka.

Maalinta berito ayaa dhammaan kormeerayaasha iyo ilaaliyaasha loo kala diridoonaa dhammaan gobolada Puntland si ay howlaha imtixaanka usoo fuliyaan.

Dhinaca kale xarunta wasaaradda waxbarashada Puntland waxaa maanta ka furmay shir dib u eegis loogu samaynayo qorshaha waxbarashada 5 sano oo ay kaharsan tahay saddex sano oo kaliya.

Wasaaradda ayaa Saddexda sano ee dhiman dib u eegis ku sameysay iyadoo loo eegayo wixii ka qabsoomay kuwii hore ee sanadkii 2012-2013.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay dhammaan dadka ka shaqeeya waxbarashada ilaa heer iskuul degmo , gobol iyo hay’adaha la shaqeeya wasaaradda waxbarashada Puntland sida uu inoo xaqiijiyay agaasimaha waaxda farsamada gacanta ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax oo lahadlay moepuntland.com

Daawo Sawiradii macalimiinta iyo kormeerayasha Wasaaradda Waxbarashadda.

DSC04405

DSC04406

DSC04407

DSC04407

DSC04408

DSC04410

DSC04412

DSC04413

DSC04414

DSC04414

DSC04416

DSC04418

DSC04419

DSC04421

DSC04422

DSC04423

DSC04425

DSC04426

DSC04428

DSC04430

DSC04435

DSC04404

DSC04404

DSC04404

DSC04403

Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
Deeq Maxamed Warsame
Contact Number: +2525743400
Deeq.hurre99@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 


Scroll to Top