Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee puntland.

07/07/2014 ,Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaankii fasalada 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland oo la galay bishii may ee lasoo dhaafay.

Cabdi Xakiin Saalax Caynab Faarax oo ah arday dhigan jiray dugsiga sare Sheekh Cismaan ee Qardho ayaa kaalinta  koowaad ka galay 10-kii arday ee ugu sareysay imtixaanka sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame.

Madaxa imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in 2.458 oo arday ah ay sanadkaan ka gudbeen imtixaanka, halka tirada guud ah ahaayeen 2560.

60 arday ayaa imtixaanka sanadkaan ka dhacay, 33 kamid ah waxay ahaayeen wiilal halka 27-ka  kalena ay yihiin gabdho ama dumar sida uu sheegay Axmed Saahid.

Dugsiga Cumar Samatar oo kuyaala magaalada Gaalkacyo ayaa noqdau dugsigii ugu badnaa ee keenay shahaadada A-da wuxuuna helay 72 arday oo ah A. Waxaa ku xigay dugsiga sare ee Gambool oo keenay 44 (A). kaalinta saddexaadna waxaa galay dugsiga sare ee Bosaso oo keenay 38(A).

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Puntland inay sanadkii 12-aad ku guulaystay inay guul ugu dhamaadaan imtixaanaadkii guud ee dugsiyada sare, Wuxuuna sheegay inay sabab u tahay sida ay wasaaraddu  gacan adag ugu qabatay imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay sanadkaan sharaf weyn u tahay in natiijada imtixaanka laga heli karo meel kasta oo Puntland katirsan iyadoo natiijadana loo dhiibay shirkada isgaarsiinta ee Golism halkaas oo uu qof kasta ka heli karo dhincihiisa.

Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada Barlamaanka Puntland Xildhibaan Xasan Xaange oo kamid ah marti sharafii lagu casuumay soo bandhigida imtixaanka ayaa sheegay inay soo iftiimay isbadalkii waxbarasho ee la rajeynayay. Wuxuuna sheegay inuu golaha barlamaanka mudnaan siindoonaan shaqada wasaaradda waxbarashada.

Xildhibaan Xasan Xaange wuxuu soo soo jeediyay in maanta loogu yeero maalinta farxada wasaaradda waxbarashada Puntland.

Wasiirka shaqada , shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdi Raxmaan Sheeikh Axmed Cabdulle ayaa isna soo dhaweeyay natiijada imtixaanka. Wuxuuna u hambalyeeyay dhammaan ardayda .

Halkaan ka akhrista 10-ka arday ee ugu sareeyay kaalimaha.

1: Cabdi Xakiin Saalax Caynab -Shiikh Cismaan –Qardho 97%.

2: Maxamed Cabdi Risaaq Xasan Xasan Hussein. Gambol  Garowe 92.86%

3: Caasho Bashiir Cabdi Qani Cusmaan . Shiikh Cismaan -Qardho  92.64%

4: Maxamed Siciid Maxamed Muuse.    Alfurqaan -Badhan           90. 79%

5: Maxamed Cabdi Salaan Abdulle Xasan Gambol –Garowe     90.64%

6: Cabdi Xakiin Maxamed Jaamac Ileeye. Cumar Samatar -Galkyo   90.64%

7: Cabdi Xakiin Maxamed Xuseen Jaamac . Cumar samatar – Galkyo- 89.21%.

8: Maxamed Maxamuud Yuusuf Maxamuud. Alwaaxa Garowe- 89.14%

9: Aadan Muuse Maxamuud Guuleed Imaam Nawaawi               89. 14 %

10: Maxamed Axmed Maxamed Jaamac Alfurqaan                       88.64%

Daawo Sawiradda.

DSC_2935DSC_2936DSC_2939DSC_2940DSC_2946DSC_2952DSC_2953DSC_2957DSC_2958DSC_2959DSC_2960DSC_2962DSC_2963DSC_2964DSC_2965DSC_2966DSC_2967DSC_2968DSC_2969DSC_2970DSC_2971DSC_2972DSC_2973DSC_3028DSC_3029DSC_3030DSC_3032DSC_3033DSC_3034DSC_3036DSC_3043DSC_3045DSC_3046DSC_3047DSC_3048DSC_3051DSC_3053

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

Scroll to Top