Wasaaradda waxbarashada Puntland oo ka hadashey miisaaniyada waxbarashada ee la kordhiyey.

Wasiirka Wasaaradda Waxbaarsahdda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in  Dowlada Puntland ay ku kordhisay Miisaaniyada Waxbarashada Puntland.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay ka go’an tahay hormarinta Waxbarsahdda ubadka Puntland.

“Awal markii ugu horaysay Miisaaniyadda Dowlada ee Waxbaarsahdda waxay ahayd 3.5%, hadda waa la labna laabay,waxa kaloo lagu daray 200 oo Macalin,Dugsiyada hoose,Dhexe iyo Sare, khaasatan muhiimada waxaa la siinayaa meelaha fog ee Waxbarshadda ku yar tahay” Ayuu yiri Dr. Cali Xaaji.

Miisaaniyada Waxabarashadda ee Dowlada Puntland ay  kordhisay  ayaa Wasiirka Waxbarshadda uu sheegay in ay la galin doono;-

1-Macalimiinta

2-Kharashka Waxbarshadda.

3-Kala qayb qaadashadda Waalidiinta dhaqaalaha Imtixaamaadka Ardayda.

4-Taageerida danyarta Waxbaranaya iyo arrimo kale.

Wuxuu intaas ku daray ‘’Meelo kala duwan ayuu Bajadkaasi gali doona, Lambar ahaan lambar xoog badan ma aha, laakiin wuxuu abuuri doonaa jawi cusub’’.

Dr. Cali Xaaji ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay bilwo wanaagsan oo horseedaya in adduunyada ay sii laba jibaarto taageerada ay siiyaan Waxbarshadda,wuxuuna xusay in bisha Afraad uu dhaqan galayo go’aanka ay qaadatay Dowlada Puntland.

Dhanka kale Wasaaradda Waxbarshada Puntland ayaa dhowaan shaacisay inay furtay Sanduuq lagu ururin doono dhaqaalaha, kaas oo loogu talagalay in Bulshadda qaybaheeda kala duwan ay door ka qaataan Waxbarshadda.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ay si habsami leh u wadato hawlaheeda shaqo.

Wasiirka iyo ku xigeenkiisa ayaa mudo kooban xafiiska joogay isla markaasna waxqabad muuqda ku soo kordhiyay wabarashadda Puntland iyaga oo siyaadiyay miisaaniyadda waxbarashadda gaarsiiyayna boqolkiiba 7 iyada oo sanad walba boqolkiiba hal ku kordhayo. Taasina waa guul u soo hoyatay bahda waxbarashadda Puntland.

Waxna bashii hore laqbatay shir wayne looga hadlayey  dib u eegista Waxbarashada puntland.

Daawo Sawiradda war saxaafadeedka uu qabtay wasiirka iyo ku xigeenkiisa.

Deeq Maxamed Warasme

Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Contact Number+2525743400

 

 

Scroll to Top