Wasaaradda Waxbarashada puntland oo gaari ku wareejisay Gudoonka waxbarashada gobolka cayn

Wasaradda Waxbarashada Puntland ayaa  gaari ugu deeqday Gudoonka Waxbarashada Gobalka Cayn si kor loogu qaadi heerka Waxbarashada deegaanada laamiga ka baxsan.

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa  sheegay inay ka go’an tahay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda waxbarashada deegaanada ka fog laamiga si loo heli hormar laga gaaro waxbarashada.

Gaarigan  lagu wareejiyay gudoonka waxbarashada Cayn ayuu Cali Xaaji sheegay inay wax badan ka badali doonto baahi badan oo dhanka Imtixaanaadka iyo aaditaanka goobaha kale ee Cayn hoos yimaada.

Gudoonka waxbarashada Gobolka cayn ayaa ka gudoomay wasiirka waxbarashada gaariga iyo furihiisa wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay baahi adagna loo qabay.

Gudoonka waxbarashada Gobolka cayn ayaa bashii 4aad lagu wareejiyey Agab waxbarasho oo ka kooban qalab xafiiseed miisas kuraas iyo computaro iyo kaamiroyin.

Wasiir Cali Xaaji ayaa balan horay igu qaaday in Degmo kasta iyo Gobolkasta la gaarsiinayo Waxbarashada Puntland.

 DAAWO SAWIRADII XILWAREEJINTA BAABUURKA GOBOLKA CAYN.

DSC03968 DSC03969 DSC03970 DSC03971 DSC03972 DSC03973 DSC03974 DSC03975 DSC03976 DSC03977 DSC03978 DSC03979 DSC03980 DSC03981 DSC03982 DSC03983 DSC03984 DSC03985 DSC03986 DSC03987 DSC03988 DSC03989 DSC03990

 Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
Deeq Maxamed Warsame
Contact Number: +2525743400
Deeq.hurre99@gmail.com

 

Scroll to Top