Wasaaradda waxbarashada iyo Taclinta Sare ee Dowalada Puntland oo furtay shir ku saabsan Dar dar Galinta Tacliinta sare.

11/Feb/2015, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa maanta furay aqoon isweydaarsi ku saabsan qorshaynta iyo wadatashiga la xiriiira horumarinta waxbarashada tacliinta sare ee Puntland.

Aqoon isweydaarsigaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare ayaa lagu casuumay qaar kamid ah macalimiinta jaamacaddaha kuyaala Puntland iyo saraakiil ka socota wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo muddo labo maalin ah isla meel dhigidoona sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan xoojinta tacliinta sare.

Agaasimaha tacliinta sare Puntland Cabdullaahi Cali  Jaamac  (Dhubad) oo ka hadlay shirkaan ayaa sheegay inay ka qeyb galayaashu ku lafo guridoono baahiyaha jira ee la xiriira xoojinta awooda tacliinta sare iyo mudnaanta ay kala leeyihiin.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inay waxbarashada tacliinta sare tahay muhiimada koowaad ee sanadkaan 2015, Wuxuuna sheegay inay ka filayaan macalimiinta jaamacaddaha inay tallooyin badan kusoo kordhindoonaan kor uqaadida waxbarashada sare.

Aqoon isweydaarsigaan oo ku eg maalinta berito ah ayaa qeyb ka ah mashruuca horumarinta waxbarashada Soomaaliya ee waxbrashadu waa Iftiin, kaasoo uu maal galiyo ururka midowga Yurub.

Halkaan ka daawo Sawiradda.

DSC00055DSC00059DSC00061DSC00063DSC00065DSC00067DSC00069DSC00071DSC00073DSC00077DSC00078DSC00079DSC00082DSC00084DSC00085DSC00088

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

Scroll to Top