Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasaladda 4aad ee dugsiyadd sare ee Puntland.

  Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland  ayaa bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasalada 4aad ee dugsiyada sare ee Puntland oo la qabtay 24-kii bishii May ee lasoo dhaafay.

Imtixaanka ayaa loo xilsaaray ilaa 70 macalimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland, kuwaas oo maalintii 4aad ufadhiya sixitaanka imtixaanka sida uu moepuntland.com u sheegay madaxa imtixaanaadka Puntland ahna siihaya agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka wuxuuna sheegay in lasoo gabagabayndoono bilowda bisha 7aad ee soo socata goortaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka.

Axmed Saahid ayaa sidoo kale sheegay inay wasaaraddu tababaro uwado 500 oo macalimiin ah oo ku sugan magaalada Garowe, kuwaas oo kor loo qaadayo aqoontooda macalinimo.

Wuxuu Axmed Saahid sidoo kale faafaahin ka bixiyay safarka wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame  iyo ku xigeenka Dr Maxamed Cali Faarax ay ugu maqan yihiin dalka dibadiisa. Wuxuuna sheegay labaduba inay ku howlan yihiin kor uqaadida maal galinta waxbarashada Puntland.

hoos ka Daawo Sawiradii macalimiinta imitaxaanka saxaysa.

 

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

 

 

 

Scroll to Top