Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo Midowga Yurub oo ka shiraya dabagalka Mashaariicyadii la qabtay 6-dii Bilood ee la soo dhaafay

30/09/2014,( Garoowe) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Puntland ayaa maanta furtay shir ku saabsan dabagalka iyo la xisaabtanka Mashaariicyadii la qabtay lixdii Bilood ee la soo dhaafay.

Shirkaan oo socondoono labo maalin ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda Wasaaradda Waxbarashada, wafdi ka socda midowga Yurub iyo Hay’addaha ka shaqeeya waxbarashada Puntland.

Ka hor inta uu san shirku  furmin Wasiirka Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowladda  Puntland Cali Xaaji Warsame iyo wufuuda ka qayb galaysa shirka waxay booqasho ku tageen kulliyadda Tababarka Macalimiinta Puntland “ GTEC”  halkaas oo ay kula kulmeen maamulka iyo macalimiinta  Kulliyadda Iyo Ardayda wax ka barata kulliyadda oo tiradoodu kor u dhaafayso Lix-boqol oo arday kuwaas oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Wasiirka Waxbarashada oo shirka daah furay ayaa warbixin kooban ka bixiyey halka ay marayaan mashaariicda waxbarashada ee laga hirgaliyo Puntland, wuxuna ku aamanay Midowga Yurub iyo Hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada Puntland doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen kor u kaca ku yimid hanaanka waxbarasho ee Dowladda Puntland.

Shirku inta uu socdo waxaa lagu eegi doona oo lagu gorfayn doona saddex  qodob oo kala ah

  1.  Dabagalka iyo la xisaabtanka Mashaariicdii la qabtay lixdii Bilood ee la soo dhaafay
  2. Dar-dar galinta Mashaariicda waxbarasho ee ka socda Puntland
  3. U diyaargarowga qorshayaasha soo socda sanadka 2015

Shirkan oo Lixdii biloodba mar la qabto aya waxaa lagu  lafa guraa sida ay u hirgaleen mashaariicda waxbarasho ee ka socda dalka iyo baahiyaha loo baahanyahay in wax laga qabto, shirku waxa uu soo xirmi doonaa malinka barri ah.

Halkaan ka daao sawiradda.

DSC07358DSC07360DSC07362DSC07368DSC07375DSC07379DSC07382DSC07387DSC07391DSC07395DSC07396DSC07399DSC07400DSC07403DSC07406DSC07407DSC07409DSC07410DSC07411DSC07412DSC07414DSC07415DSC07416DSC07417DSC07419DSC07420DSC07421DSC07427DSC07431DSC07433DSC07437DSC07438DSC07440DSC07444DSC07446DSC07448DSC07449DSC07451DSC07457DSC07458DSC07464

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

Scroll to Top