Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo hay’adda WFP oo maanta furay mashruuca quudinta ardayda dugsiyada hoose/dhexe

30/April/2016- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo Hay’adda cuntada aduunka ee WFP ayaa maanta si wadajir ah ufuray mashruuca quudinta ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland, iyadoo WFP ay si rasmi ah u wareejisay qalabkii quudinta oo la gaarsiindoono dugsiyada loogu talo galay.

waxaa Mashruuc aad uga soo sheekeyey taariikhda uu leeyahay hormarinta Quudinta Waxbarashada Madax Dugsiyadda Quudinta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare (C/qaadir Jarkunaban).

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan iyo Gudoomiyaha Waxbrashada Gobolka Nugaal ayaa la wareegay qalabkaan oo loogu talo galay in dugsiyada Nawaawi, Sheerbi, Kob-dhexaad, Xarfo, Widhwidh, Caroley iyo Siinaay loogu sameeyo barnaamijka quudinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cabulqaadir ayaa sheegay muhiimada laga leeyahay quudintaan inay tahay, in kor loosoo qaado heerka nafaqada ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe si ay u noqdaan kuwo caaafimaadkooda wanaagsan yahay oo tamar u leh waxbarashadooda.

Masuuliyiinta waxbarashada iyo hay’adda WFP  ayaa sida wadjair u sheegay in mashruucaan uu si toos ah mardhow u bilaabandoono islamarkaan waxay sheegeen in horey loo dhisay goobihii quudinta ardayda.

Dhinaca kale, agaasimaha Wasaaradda waxbarashada iyo Gudoomiyaha Waxbrashada Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax  ayaa kormeeray dugsiga sare Nawaawi halkaasi oo uu kula kulmay ardayda iyo maamulka dugsiga wuxuuna ka xog-waraystay heerkooda waxbarasho iyo udiyaar garowga imtixaanka sanad dugsiyeedka oo kowda bisha May la qabandoono.

Agaasimaha ayaa  rajeeyay ardayda guul iyo mustaqbal wanaagan, wuxuuna kula dardaarmay inay ku dadaalaaan waxbarashadooda.

Bishii actobar ee sanadkii 2015, wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa dhagax dhigay mashruucaan.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

                                 Dhagax dhigii hore ee Mashruuca

DHAGAX

IMG_1850                                   
                           

                             Hoos Ka Daawo sawiradii Maanta

IMG_0743 IMG_0755 (1) IMG_0754 IMG_0819 IMG_0762 IMG_0763 IMG_0762 IMG_0758 IMG_0829 IMG_0773

 IMG_0762 IMG_0763 IMG_0769 IMG_0781 IMG_0758 IMG_0827 IMG_0829 IMG_0830 IMG_0839 IMG_0869 IMG_0875

IMG_0879 IMG_0875 IMG_0869 IMG_0839 IMG_0890 IMG_0888 IMG_0869 IMG_0905

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top