Wasaaradda Waxbarashada Puntlad oo shahaadooyin gudoonsiiyay 50 macalimiin ah oo ka socday xarumaha waxbarashada Dadban.

07/07/2014,Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa shahaadooyin gudoonsiisay 50 macalimiin ah oo luuqada Engliska-ka ka dhigaya xarumaha waxbarashada Dadban ee hoos yimaada wasaaradda waxbarashada Puntland.

Macalimiintaan oo ka socday dhamaan gobolada Puntland ayaa muddo bil ah wuxuu tababar uga socday magaalada Garowe, iyagoona qaadanayay aqoon korarsi la xiriiray qaabka loo dhigo luuqada Ingiriisiga iyo kor uqaadideeda xaga barashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa usoo gabagabeeyay tababarkooda wuxuuna gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya aqoonta dersiga ay qaateen.

Safiyo Sugulle Maxamed oo ah madaxa waxbarashada Dadban ee Puntland oo ka hadashay xiritaanka barnaamijkaan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay culayska ay wasaaraddu saartay tababarkaan oo ay ku sheegay inaanan la qaban 7-dii sano ee ugu dambeysay tababar caynkaano oo kale ah oo la galiyo waqti intaas le’eg.

Waxay sheegtay waxbarashada Dadban inay ka faa’ido badan tahay waxbarashada tooska ah ,iyadoo sababta ku sheegtay in waxbarashada Dadan waqti gaaban looga faa’idaysan karo.

“Xilliga maanta ah marka la fiiriyo daruufaha nagu xeeran dadkeena waxaa anfacaya waxbarashada Dadban gaar ahaan farsamada gacanta si aan qoysaskeena ugu biilano oo aanan cid kale wax uga sugin,” ayay tiri Faadumo Sugulle.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa isna taageeray in waxbarashada Dabdan ay  faa’ido badan bulshada uleedahay.

” Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay sanadkii 1960 labadii shay ee lagu badbaaday waxay ahaayeen waxbarashadii dadka waa weynaa ee aan tooska ahayn iyo waxbarashadii farsamada gacanta, waxayna Soomaaliya arintaas u suurto galisay inay hanato dowladnimadeeda,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa balanqaaday inay kordhindoonaan heerka waxbarashada Dadban, iyadoo uu sheegay hadba inay eegidoonaan maadooyinka muhiimka ah ee lagu liito si kor loogu qaado . Taa badalkeena wuxuu ka cosaday xarumaha waxbarashada Dadban inaysan noqon kuwo magac uyaal ah.

Tababarkaan ayaa qeyb wuxuu ka yahay mashruuca waxbarashada waa Iftiin oo ah mashruucaan balaaran oo uu Midowga Yurub ugu deeqay Puntland islamarkaana ay fulinayso hay’adda CARE international.

Daawo sawirada.

DSC_3079DSC_3089DSC_3090DSC_3091DSC_3096DSC_3098DSC_3099DSC_3101DSC_3104DSC_3105DSC_3107DSC_3108DSC_3110DSC_3112DSC_3113DSC_3114DSC_3117DSC_3119DSC_3121DSC_3123DSC_3124DSC_3125DSC_3127DSC_3128DSC_3131DSC_3132DSC_3133DSC_3134DSC_3137DSC_3138DSC_3141DSC_3142DSC_3143DSC_3146DSC_3158DSC_3159DSC_3160DSC_3163DSC_3165DSC_3167DSC_3168DSC_3173DSC_3174DSC_3175DSC_3176DSC_3177DSC_3178DSC_3179DSC_3180DSC_3181DSC_3182DSC_3183DSC_3184DSC_3185DSC_3186DSC_3187DSC_3188DSC_3189DSC_3190DSC_3191DSC_3192DSC_3193DSC_3194DSC_3195DSC_3196DSC_3197DSC_3199DSC_3200DSC_3201DSC_3202DSC_3203DSC_3204DSC_3205DSC_3206DSC_3207DSC_3208DSC_3209DSC_3212DSC_3213

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

Scroll to Top