Wasaaradda Waxbarashada PL oo soo bandhigtay Qorshaha Waxbarashada Degmooyinka Lagu hormarinayo.

Shir ku Saabsan soo bandhigida Qorshaha fog ee Waxbarashada Degmooyinka puntland qaybtood ayaa lagu qabtay xarunta Wasaradda Waxbarashada waxana soo qaban qaabiyay Hay’adda Diyakooniya oo la kaashanaysa madaxda Wasaradda.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax,ku simaha agaasimaha guud ahana madaxa imtixaanaadka Axmed Saahid,gudoomiyaasha Waxbarashada Gobaladda & Degmooyinka iyo waliba masuuliyiin ka socota hay;adda Diyakooniya.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa shirka daahfuray wuxuna sheegay madaxda wasaradda inay ka go’an tahay sidii Waxbarashada loogu baahin lahaa gobaladda ilaa degmooyinka,iyadoona lala dagaalamayo jahli iyo aqoon yarida ka jirta Puntland.

DR.Maxamed Cali Faarax ayaa ku taliyay in laga faa’iidaysto agabka ay Diyakooniya siinaysa degmooyinka qorshahaan loo diyaarshay wuxuna sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo maadama wax lagu barayo dhalinyaradda Puntland.

Madaxa Hay’adda Diyakooniya Maamo Siciido Xirsi Cigaal ayaa shirka ka balan qaaday inay bixinayso agab waxbarasho oo loogu talo galay degmooyinka iyo gobaladda,agabkaasi oo ah Computero,Printero,Photo.Copyo,Miisas,Kuraas iyo waliba Kaamarooyin.

Siciido Xirsi ayaa balan qaaday inay qalabkaan siinayso labaatan degmo oo ka tirsan Gobaladda Puntland.

Sidoo kale Khabiir lagu magacaabo Salaad Daahir oo in mudo ah ku mashquulsanaa soo aruurinta xogta waxbarashada degmooyinka ayaa soo bandhigay waxyaabaha uu soo arkay wuxuna in baahi badan ay ka jirto labaatan degmo oo barnaamijkan uu ku wajahan yahay.

Ugu danbayntii ku Simaha Agaasimaha guud ee Wasaradda Waxbarashada ahna Madaxa Imtixaanaadka Axmed Maxamed Warsame ayaa goobta ka sheegay in la kordhiyay qiimaha lacagtii laga qaadi jiray ardayda imtixaanaadka u fariisanaya ee dugsiyada hoose dhexe,waxana laga dhigay lacagta imtixaanka toban doolar iyo waliba tan shihaahada oo laga dhigay toban doolar.

Axmed Saahid ayaa sheegay inaan waxba lagu kordhin qiimaha laga qaadi jiray ardayda u fariisanaysa fasalka 12-aad ee Puntland.

DAAWO SAWIRADII LOOGA HADLAY SHIRKII

                                          Deeq Maxamed Warsame

                                          Wasaaradda Waxbarashada puntland

                                         Contact Number+2525743400

Scroll to Top