Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta Sare oo Imtixaamadkii sanad- dugsiyeedka naqliga aha soo gabagabeysay.

13/May/2015:- Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda u fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland  ka soo af jarmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka 2014-15, haddana waxaa la sugayaa in 23ka bishatan Maajo ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka WWTS C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm, waxuuna musuuliyinta Gobolada Waxbarashada u sheegay inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Sidoo kale waxaa  gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan,  marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Hoos ka Daawo Sawiradii Imtixamadkii Sanad-dugsiyeedka.

DSC00037 DSC03386 DSC03631 DSC08157 DSC08916 DSC09601 DSC09695 DSCF3694 IMG_0595 IMG_0632 IMG_0661 IMG_0672

DSC02113 DSC03261 DSC03281 DSC03314 DSC03407 DSC08152 DSC08445 DSC09511 DSC09591 DSC09755 DSCF2949 g8 IMG_0603 IMG_0620 IMG_0653 IMG_0660 IMG_0668 IMG_0670 IMG_0672 IMG_0674 IMG_0712 IMG_0725 IMG_0740 IMG_0755 IMG_0770 osss-4-728

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 By: Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

 

 

Scroll to Top