Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waaxdeda Imtixaanka ayaa waxay qabatay barnamij isku tashi ah oo lagu hormarinayo Tababar la siinayo macalamiinta iskuulada puntland.

21/10/2017-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waaxdeda Imtixaanka ayaa waxay qabatay barnamij isku tashi ah oo lagu hormarinayo Tababar la siinayo sidii macalamiinta iskuulada puntland.

Barnmijka ayaa markii ugu horasay lagu bilabay macaliminta Gobolka nugaala waxaana barnamijkaa daah furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarsahada iyo Tacliinta sare Maxamed C/Qaadir Cismaan iyo Gudoonka Waxbarashda Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Xafiiska imtiamadka Dowlada Puntland.

 

Ujeedada barnamijkan ayaa ah Isku tashi Waxaa magaalada garowe ka bilowmay markii ugu horaysay barnaamij isku tashi ah kaas oo Wasaaradda Waxbarashada gaar ahaan Xafiiska imtixaanaadku ay ku tababarayaan macalimiin kuwaas oo la barayayo xirfadda imtixaanka.

Barnaamijkan waxaa lagu magacdaray “Qorshaha Tayaynta Qiimaynta Dugsiyada” Barnaamijkan waxaa tababar loo sameeyay macalimiin ka kala socda dhammaan dugsiyada Garowe kuwaas oo lagu tababaraayay mawduucyadan soo socda.

1. Hordhaca imtixaanka, Cabbiraada iyi Qiimaynta waxbarashada

2.Imtixaan dejinta iyo Abla-ablaynta Bloom ee Natiijoojinka barashada

3.Dib u habaynta imtixaanka iyo waafajinta halbeegyada caalamiga ah

4.Sixida imtixaanka iyo diyaarinta furayaasha sixidda

5.Lafaguridda natiijada iyo ka warbixinta

Dhammaan macalimiintu si fiican ayay uga qayb galeen waxayna balan qaadeen in ay fulin doonaan wixii ay barteen. Sidoo kale maamulayaashu waxa balan qaadeen in ay hirgalinayaan ujeedooyinka barnaamijka iyo in dugsi kasta ay ka furi doonaan qayb qaabilsan maamulka imtixaanaadka iyo Guddi ka shaqeeya hawlahaas.

Waaxdu imtixaanka oo fulinaysay barnaamijkan waxay rajaynayaan in imtixaanka guud uu waxbadan iska badali doono hadii imtixaanka dugsiyadu wax iska badalaan oo noqdaan kuwo waafaqsan nidaamka heerka caalami ah.

Barnaamijkani ma ahan mid ku eg Garowe laakiin wuu socon doonaa waana laga fulin doonaa magaalooyinka kale. Xafiiska imtixaanku wuxuu u mahadcelinaya Guddoonka waxbarashada Gobalka Nugaal kaas si firfircoon uga qayb qaatay isku dubaridda barnaamijkan.

Barnaamijkani mahan mid hay’ad ay fulinayso laakiin waa barnaamij tabarucaad ah tababaraaysha iyo barayaashuba waxay ku shaqaynayaan iskaa wax u qabso hadii aan sidaa la samayna waxaanunoqonaynaa dad loo taliyo oo aan tashan. Marka wax badan ayaanu qabsan karnaa hadaanu gacmaha isqabsano. Tani waxay bilow u tahay tayaynta waxbarashada Puntaland.

Hoos ka Daawo Sawiradda

20171015_100349 20171015_101208 20171019_131901
20171015_101214 20171015_101208 20171015_101201 20171015_10115720171015_10114720171015_10114120171015_10052920171015_10052520171015_10051520171015_10050220171015_10044720171015_100437 20171015_10114720171015_10041120171015_10020920171015_10015820171019_14133320171019_141333(0)20171019_141330 20171015_101141 20171015_100529 20171015_100525

 

 

 

Scroll to Top