Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xustay Maalinta falaxalka Aduunka.

15/10/ 2017- Xuska Munaasabadaan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland iyo Hay,adaha World vision,Unicef,NRC iyo Nero.

Munaasabada oo ahayd Wacyigalin ayaa hal ku dhiga sanadkaan waxaa uu ahaa our Hands our Future waxaana si weyn looga hadlay muhiimada ay Nadaafadu u leedahay aadanaha.

Maamulaha Schoolka Maxamuud Aw Cismaan Axmed Cabdi Cilmi ayaa ardayda ugu baaqay inay ilaaliyaan Nadaafada kuna dadaalaan Marwalba farodhaqashada si loo ilaaliyo Caafimaadka.

15-ka October waxaa loo asteeyey maalinta Nadaafada aduunka gaar ahaan Faradhaqa waxaana Munaasabad lagu dhiiragalinayo faradhaqashada lagu qabta Schoolka Maxamuud Awcismaan ee magaalada Garoowe.

Cabdishugri Maxamed Faarax oo ah Madaxa Washka ee wasaaradda waxbarashada iyo agaasimaha horumarinta waxbarashada Maxamuud Cabdisalaan ayaa ka hadlay muhiimada ay nadaafadu leedahay gaar ahaan faradhaqashada,waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in faraha la dhaqdo marka la seexanayo aman la soo toosayo.

Sidookale waxaa ay sheegeen inay Muhiim taha in faraha la dhaqo xiliyada isticmaalka Suuliga,Cunto cunida kadib iyo ka hor si loo ilaaliyo Nadaafada shaqsiga iyo deegaanka.

Xafso Maxamuud Siciid oo Wash cordinater-ka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa si toos ah ardayda ugu samaysay Paratical faradhaqashada iyadoo ardayduna ay si toos ah u sameeyeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa ardayda iyo shacabka ugu baaqay inay Nadaafada dhowraan gaar ahaan Faradhaqa waxaana uu sheegay in wasaaradu ay casharo ku saabsan Nadaafada ay ku bixiso Schoolada Puntland.

Sawirro.

vlcsnap-2017-10-15-03h05m24s894 vlcsnap-2017-10-15-03h05m36s053 vlcsnap-2017-10-15-03h05m50s839 vlcsnap-2017-10-15-03h06m01s754 vlcsnap-2017-10-15-03h06m14s383 vlcsnap-2017-10-15-03h07m18s411 vlcsnap-2017-10-15-03h07m00s795 vlcsnap-2017-10-15-03h06m49s461 vlcsnap-2017-10-15-03h06m37s991 vlcsnap-2017-10-15-03h06m25s651 vlcsnap-2017-10-15-03h07m30s370 vlcsnap-2017-10-15-03h07m52s416 vlcsnap-2017-10-15-03h08m13s548 vlcsnap-2017-10-15-03h08m30s227 vlcsnap-2017-10-15-03h08m42s678 vlcsnap-2017-10-15-03h08m52s493 vlcsnap-2017-10-15-03h09m12s628 vlcsnap-2017-10-15-03h09m25s988 vlcsnap-2017-10-15-03h09m39s842 vlcsnap-2017-10-15-03h09m52s441 vlcsnap-2017-10-15-03h10m04s132 vlcsnap-2017-10-15-03h10m15s216 vlcsnap-2017-10-15-03h10m31s789 vlcsnap-2017-10-15-03h10m47s227 vlcsnap-2017-10-15-03h11m17s929 vlcsnap-2017-10-15-03h11m30s816 vlcsnap-2017-10-15-03h11m54s141 vlcsnap-2017-10-15-03h11m59s894 vlcsnap-2017-10-15-03h12m12s808

 

Scroll to Top