Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo U soo xirtay Tabababar 270 macalin oo kala yimi Dugsiyadda sare ee Puntland.

06/julay/2015- kuliyadda tababarka ee Macalimiinta Puntland ee GTEC ayaa waxaa ku soo xiramay Tababar soconayey  mudo bil ah  oo ka faaiidaysatay  270 Macalin oo dhiga dugsiyada sare ee Puntland.

Tababarka oo ay iska kaa shanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntand iyo Ha’yadda  Mercy Crops iyo Care  waxana bixinayey Macalimiin ay usoo xushay wasaaraddu iyagoo lagu barayey Macalimiinta casharo ku saabsan siday Aqoonta ay dhigaan kor ugu qaadi lahaayeen.

Xiritaanka  tababarka oo lagu qabtay Xarunta GTEC ee Garowe waxa ka qayb galay  Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir aw yuusuf ciise iyo Wasiir ku- xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr Maxamed Cali Faarax,,Agaasimaha Farsamada gacanta iyo Tababarada iyo Mashaariicda ,Masuuliyiin ka socday Ha’yadda Mercy Crops,  CARE  iyo  GTEC.

Wasiirka cusub ee Waxbarashada  Puntland Prf: Abashir aw yuusuf ciise  ayaa balanqaaday inuu kor usii qaadayo Tababarka Macalimiinta  iyo shaqada Wasaaradda islamarkaana bartilmaameedka koowaad ka dhiganayo adeega Waxbarasho ee dhulka durugsan.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

IMG_0304 IMG_0303 IMG_0295 IMG_0294

IMG_0304IMG_0307IMG_0309IMG_0311IMG_0314IMG_0315IMG_0316IMG_0320IMG_0332IMG_0334IMG_0335IMG_0336IMG_0330IMG_0341IMG_0342IMG_0343IMG_0344IMG_0345IMG_0346IMG_0347

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 

 

 

Scroll to Top