Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tartanka Gabayada u qabatay Qayb kamid ah iskuulada Puntland.

03/04/2017- Waxaa m magaalada Garowe lagu qabtay maalintii isniinta Tartanka iskuulada  suugaanta iyo dhaqanka afka soomaaliga ee waxaana ka soo qaybgalay iskuulada kala ah Gobolada Sanaag, hayland, Nugaal, iyo Karkaar.

Barnamijkaa ayaa Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  kaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf aw Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Dr Maxamed Cali Faarax,  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyi tacliinta sare Mohamed C/qaadir Cismaan, iyo Agaasimaha Waaxeedka hormarinta Waxbarashada Maxamud Abdisalan, Madaxa hormarinta Waxbarshada gabdhaha Faadumo shugri iyo dhaamaan shaqalaha wasaaradda Waxbarashada iyo gudoomiyeyaasha Waxbarashada  Gobolada Maamulayasha iskuulada ee Gobolada, Araday ,Abwaano ,qoryaal iyo marti sharaf kala duwan.

Barnamijka ayaa ahaa si Xayaysiis si loo helo iskuulada ka qaybgalaysha iyadoo xooga lasaarayo mashruuca waxbarashadu waa iftiin WWI iskuuladeeda Target ka u ah ee Qaybteeda  Save The Children iyadoo tartanka soo socday  mudo labo asbuuca ayaa ugu danabayntii waxaa lagu qaybatay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Xarunta Garowe.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxa hormarinta Wasaaradda Waxbarashada Gabdhaha Faadumo Shugri oo ku soo dhawayey musuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada, sidoo kalena ka hadashay muhiimada uu lahaa Tartanka aradayda iskuulada Gobolada u leeyahay ardayda reer puntland meeel walba ay joogan.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxada hormarinta Wasaaradda Waxabarashada  iyo Tacliinta sare  Maxamud Abadisalaan  oo sheegayna in uu aad ugu faraxsan yaha in uu maanta ka soo qayb galo ee barnamijka  hormarinta suuganta tartanka ardayda iskuulada Gobolada  , wuxuuna sheegay in dawlada iyo Shaqalaha heer gobol iyo heer degmo ilaalinayeen nidaamka iyo shuruucda Tartanku lahaa ee samayn ku yeelanysa wax khilaaf ah

Waxaa kaloo agaasimaha Waaxdu sheeegay in uu Tartankaan gobolada Waxbarashda shuruudo gooniya lahaa sidii kaal maha hore loogalayna cadaalad lagu xulay.

Iyadoo khubarada tartanka aysan ardayga magaciisa hayn iyo Gobolka iyo Degmada iyo iskuulka uu yahay ardaygu.

Waxaana wacyigalin lasiiyey khubarda saxaysay iyo ardayda iskuulada ka kala yimi.

Waxaa kale oo khudbad guubaabo ah & dardaaran ah jeediyay Agaasiamha Guud ee Wasaaradda  Waxbarashada  Maxamed Abdulqadir Cismaan oo ardaydii goob jooga ahayd ardaydii tartanka ku guulaysatay  ku booriyay inay wax ku qaataan sidii ay u ilaalin lahaayeen suugaanta Soomaalida.
Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr Mohamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbrashadda Puntland wuxuuna ka hadlay muhiimada uu laha Tartankaan  iskuulada waxaa kaloo sheegay in mar walba la joogtaynayo tartankan,isoogana sidoo kale soo jeediyey in la ilaaliyo Afka soomaaliga ah lana kobciyo aqoonta Afka Soomaaliga ah .

Intii ay munaasabada socotay waxaa laga sheekeyey waqtigii la qoray Afka soomaaliga iyo marxaladiihii uu soo maray iyo waqtiyadii uu jiray Afka soomaaliga, sidoo kale waxaa lasoo bandhigay riwaayado iyo suugaan looga hadlayo sida uu Afka soomaaliga uu hodanka u yahay loogana helay Ereyo badan oo micno xambaarsan.

Xiritaankii munasabadda ayaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay tartankan ku adan soo bandhigidda Maansooyinka iyo Curisyadda ku adan afka hooyo ee lagu dhiirigelinayo ardayda dugsiyadda sare ee puntland.

Wasiir Abshir  waxaa uu dhalinta ku booriyey in ay joogteyaan hal-abuurka maansada soomaaliyeed iyadoo Wasaarad ahaan iyo dowlad ahaanba lala garab istaagi doono taageero wax ku ool ah oo lagu horumarinayo suugaanta iyo afka soomaaliga.

Tartankan ayaa Qayb wayn waxaa ka ahayd Hay’ada Save the children oo Wasaarada ka caawinaysay dhica sahayda.

Sida ardaydu u kala guulaysteen iyo Kala horaynta Tartanka Iskuulada shahaadooyina la gudoonsiiyey.

  • Axmed C/dulaahi Faarax. Gobolka Nugaal Garowe- iskuulka Al- Waaxa Gabay A+
  • Mucaad C/qaadir Maxamed. Gobolka Haylaan- Dhahar- iskuulka = Dalmar Baraaga Qol- Gabay A+
  • Salmo Muuse Jaamac. Gobolka Karkaar- Qardho- iskuulka= Imaamu Al- Nawaawi Buran bur- A+
  • Degan Maxamed Cumar – Gobolka Nugaal Garowe- iskuulka Al- Waaxa Geeraar A
  • Jaamac Biriir Jaamac Gobolka Haylaan- Dhahar- iskuulka Mubarak Gabay B

Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC01929 DSC01927 DSC01960 DSC01947 - Copy DSC01962 DSC01946 - Copy DSC01948 DSC01937 - Copy DSC01936 - Copy DSC01942 - Copy DSC01940 - Copy DSC01935 - Copy DSC01934 - Copy DSC01930 - Copy DSC01929 - Copy DSC01950 DSC01949

 

 

DSC01955 DSC01945 - CopyDSC01954DSC01953DSC01960DSC01948DSC01956DSC01959DSC01962DSC01952

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top