Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Tabarbar u furtay Qayb ka mid ah Macalimiinta Puntland.

21/Jun/2015- Tababar kor loogu qaadayo tayada macalimiinta Puntland ayaa maanta ka furmay xarunta kulliyadda macalimiinta GTEC oo ku taala magalada Garowe.

Furitaanka tababarkan waxaa ka qayb galay ku simaha wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame iyo madaxda kale ee Wasraadda, waxaana goobta laga sheegay ahmiyadda ay lee dahay qabsomida tababarkan iyo faa’iidada ku jirta.

Agaasimaha waaxda tababaradda ee wasarada waxbarashada Puntland Cabdinaasir Xirsi ayaa sheegay tababarkan in loo qabtay 69-macalin, wuxuna sheegay inuu qayb ka yahay dadaaalada ay wasaraddu ugu jirto kor u qaadista aqoonta macalimiinta Puntland, macalimiintan ayuu sheegay sanad walba in koox ka mid ah tababar la siin doono.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada iyo tacliinta Sare Axmed Keysa ayaa sheegay macalimiinta tababarkan loo furay inay ka kala yimaadeen deegaanada kala duwan ee Puntland, faa’iidooyinka laga helayo ayuu sheegay inay tahay kor u qaadista aqoonta macalinta taasoo gaaraysa meel fog, ayna kor ugu kici karto waxbarashada Puntland.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland ahna ku simaha Wasiirka mudane Cali Xaaji Warsame ayaa daahfuray tababarka, wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kasta la garab taagnaado macalimiinta Puntland inkastoo uu xusay inuusan xafiiska joogin waqtiga tababarkan loosoo xirayo ayuu hadana sheegay inuu ku farxayo dhamaynta aqoontooda, sidoo kale waxa uu ammaanay kuliyadda tababarka macalimiinta oo uu sheegay inay u diyaarsan tahay tababarida macalimiinta dalka.

Cali Xasan Axmed oo ku hadlayay afka macalimiinta tababarka loo furay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wasaraddu uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta macalimiinta si loosoo saaro jiil aqoon leh,tababarkan ayaa socon doono sida lagu sheegay mudo labo sano ah.

Hoos ka Daawo Sawiradda

IMG_2881 IMG_2884 IMG_2885 IMG_2888 IMG_2890

IMG_2881 IMG_2884 IMG_2885 IMG_2888 IMG_2890 IMG_2892 IMG_2898 IMG_2900 IMG_2903 IMG_2904 IMG_2911 IMG_2919 IMG_2920 IMG_2921 IMG_2922 IMG_2928 IMG_2930 IMG_2935

Xafiiska Warfaafinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

By Deeq Maxamed Warsame.

 

Scroll to Top