Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tabarbar ku saabasan sida buugata Manhajka cusub la diyaarinayo Wax looga dhigi karo.

19/Nov/2015-Waasarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa Qabtay tababar ku saabasan siyaasadda u diyaarinta macalimiinta dugsiyadda hoose/dhaxe,  Tababarka oo Lagu Tabarayey shaqalaha Wasaarada dhaxe iyo Maamulayasha iyo Qayb ka mid ah Maclimiinta Gobolka Nugaal iyo Gobolka Sool.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qabisay Wasaarada  Waxbarashada iyo Tacliinata sare iyo  Hay’ada EAT oo kala shaqaysa dhinca Waxbarashada Wasaaradda, Tababarkaas oo soconayeye Mudo Labo -Maalmood ah

Ujeeddda Tababarka  guud ayaa ah in kor looqaado Buugagta Dugsiayadda hoose/dhaxe ay macalimiintu Wax ka dhigaan siday wax uga diyaarin karaan Manhajka cusub.

Agaasimaha waaxda tayo dhowrka Waxbarashada ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiqaadir Yuusuf Nuux ayaa MOE Puntland  u sheegay in tayada waxbarashada ee buugagta uu yahay muhiimadda koowaad ee Wasaradda Waxbarashada, maadama madaxda ugu saraysa ee Wasaaradda ay balan qaadeen in kor loo qaadayo aqoonta waxbrasho ee deegaanada Puntland.

Agaasimaha Waaxda  tayeyntaWasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa sare ee Dawladda Puntland  ayaa sheegay in sanadka dardar cusub la galin doono Tex book,isla markaana uu sii socon doono Tababaro noocan oo kala ah oo kor loogu Qaadayo Tayayda Macalimiinta  iyo buugagta Dugsiyada hoose/dhaxe say ula jaan qadaan manhajka cusub oo dhawaaan la dabicidoono.

Agaasimaha Waxaad Tayeynta iyo kormeerka  ee Wasaaraadda iyo Tacliinta sare C/qaadir yuusuf Nuux oo soo xiray Tababarka  waxayna kula dardar may shaqalaha wasaaradda iyo kuwa Gobolada inay cashar fiican ka barteen iyagoo aqoon  ku filan ka qateen  shaqadaa loo igmaday u soo qabtaan Wasaaradda iyo Heer Gobol iyo heer Degmo.

Ujeeddda Tababarka  guud ayaa ah in kor looqaado tayada  Waxbarasho Macalinka iyo Maamulka dugsiga  iyo Ardayga iyo mida deegaaneed.

Ujeedooyinka kale waxaa ka mid ah, in Dugsiyada laga  caawiyo Tex book, iyadoo  kor loogu Qaadayo Waxbarashada Ardayga.

In la abuuro Jawi iyo dhaqan is la xisaabtan iyo is qiimayn ka dhaxeysa Daneeyayaasha Waxbarashada.

In xog dhab ah la helo, loona gudbiyo Daneeyayaasha, si waxii baahiya loo daboolo

Wasaradda waxbarashada ayaa markii ugu horaysay maaha Tababaro noocasa ay qabato iyo Waaxada Taya dhowrka Wasaaradda.

Muhiimada Tababarka ayaa ahaa …………

1. In la helo Tex books u dhaxeeya Maclinka iyo Ardayga

2. Siyaasad Hagaajinta Maamulka Dugsiga.

3. Cashar eegista Fasalka

4. siyaasada isku xirka Waxbarashada  Tooska ah iyo mida waawayn.

5. Siyaasada buugaagta luuqada wax lagu dhigo ee ardayga Wax laga baro.

6- Siyaasadda iyo Habka iyo Tabaha la adeegsado marka ardayga Wax labarayo.

7- Maamulka fasalka iyo Qaabka Cashar diyaarinta.

8- In Manhajka Cusub Marka La dabaco Maclimiintu Adeegsadan.

Hoos ka Daawo Sawiradda

IMG_2964 IMG_2967 IMG_2970 IMG_2979 IMG_2975 IMG_2974 IMG_2973 IMG_2972 IMG_2983 IMG_2993 IMG_2997 IMG_2989 IMG_2996 IMG_2984 IMG_2983 IMG_2970 IMG_3006 IMG_3003 IMG_2991 IMG_2993 IMG_2978 IMG_2992 IMG_3003

 

By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400

 

 

 

 

Scroll to Top