Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u soo xirtay 43 Macalin oo kala yimi Gobolada Abaartu Samaysay Sanadkii hore.

24/11/2015- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u soo xirtay 43 Macalimiin oo Ka kala Yimi Deegaanada fog fog ee Puntland oo Abaartu Samayasay Dugsiyadooda.

Waxaa Maanta Hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Tababar Macalimiinta Dugsiayda hoose/dhaxe loogu soo xiray 43 Macalin, Waxaana ka soo Qaygalay Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Tababaradda Macalimiinta iyo Farsamada Gacanta Abdulahi Axmed Maxamud iyo Madaxa Waxbarashada puntland hay’adda UNICEF Mahwish Batool.

Macalimiinta ayaa sanadkii hore wasaarada Waxbarsahada iyo Hay’dda UNICEF qiimayn ku soo samaysay Goobihii Waxbarashada iydoo dugsiaydii ay Macalimiinta ka ahayen Samayn xoogleh ku yeelatay Abaartu.

Ujeedda Tababarkan ayaa aha Macalimiinta in kor loogu qaado Aqoomtooda Xifadood iyo iyagoo ardaydii siinaya aqoonta ay ka heleen Tababarka.

Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Tababarada Macalimiinta iyo Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliintsa sare ee Dawladda Puntland ayaa sheegay in sanadka dardar cusub la galin doono Tababarada Macalimiinta Waxbarashadda,isla markaana uu sii socon doono Tababaro noocan oo kala ah oo kor loogu Qaadayo Tayayda Waxbarashada Macalinka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Mohamed Abdulaqadir cismaan oo soo xiray Tababarka Macalimiinta ayaa ku booriyay Macalimiinta Tababarka ee gobolada kala yimi in xil weyn la iska saaro aqoonta ay qaateen islamarkaana ay ku shaqeeyaan, dabagalna ku samayn doonto Wasaaraddu. sida uu u shaqeynayo Macalimiinta puntland kadibna warbixin lagasoo gudbiyo haddii shaqada ka soo bixi waayaan iskuuladda.

Tababarkan Ayaa soconayey Mudo 12 Bari ah. Macalimiintan oo kala yimi Gobolada Kala ah : Sanaag. Hayland, Bari. Nugaal, Karkaar iyo Sool.

Waxay si wadajir ah ugu mahad celiyeen dhamaan Macalimiintii ka soo qaybgalay Tababarka, Tababarayashii Tababarka bixinayey oo kala ahaa Faysal Abdi Mu’min iyo Safiyo Abdulahi mar walba gacanta siiysay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Hoos ka Daawo Sawiradda

img_3064 img_3068 img_3069 img_3072 img_3073 img_3037 img_3039 img_3040 img_3041 img_3042 img_3046img_3072img_3073img_3040img_3042img_3043img_3046img_3048img_3066img_3047

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Please follow and like us face book Wasaaradda Waxbarashada puntland.
Scroll to Top