21/ 11/ 2017- Waxaa hoolka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare lagu qabatay tababar ku saabsan xaladaha waxbarsahada deg dega ah, waxaa furitaankiisii ka soo qayb galay  Tababarka agaasimaha Waxaada waxbarsahada Tooska ah  Murwo Maryan jaamac Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan iyo dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Waxbarashada puntland.

Ugu horayn Tababarkan furitaankisa  waxaa ka hadlay agaasimaha Waxaada Waxbarsahada tooska ah Murwo Maryan jaamac Xuseen waxayna tiri” Sidaynu ognahay waxaa Soomaliya kadhaca noocyo kaladuwan oo ah xaaladaha degdegga ah oo ay ka mid yihiin colaadaha iyo abaaro soonoqnoqda. Waxaa ugudambaysay abaartii 2016/17 taasoo wax yeellaysay habsami u socoshada waxbarashada puntland.

Waxaa xirmay dugsiyo badan waxa waxbarashadii kaharay carruur badan oo dugsiyada kujiray iyadoo la hadlaysa Godoomiyeyasha Waxabarshada Degmooyinka Puntland.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarsahada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir ayaa tababarka furay isgoo ka hadlay in waxbarshada degmooyinka iyo tuulooyinka awooda la saarin si caruurta joogta waxbarasho fiican u helaan.

Waxa kalo sheegay in agaasimaha Guud in degmo walba iyo tuulaba in biyo loo dhaamiyey

In lacag kaash ah loo diray ardayda dugsiyadas

Iyo in loo dayactiray iskuuladii u baahna dayctirka.

Tababar kan ujeedadisa ayaa lagu Tababaraya Gudoomiyaasha Degmooyinka Waxbarashada.

  • Sidii u joogtayn lahaayeen Waxbarashada Xaladaha degdega ah.
  • Sidii loo darsi lahaa xaladaha iman kara oo loogana gashaaman laha xalada waxbarshada degdeg ah.
  • Sidii gar- gaar Waxbarashada loo gaarsiin lahaa goobaha u bahan.
  • Sidii gudoomiyeyaasha degmooynka Waxbarshada u samaysan lahayeen qorshaha ku talogalka xaladaha waxbarashada deg deg ah.

Tababarkan ayaa soconya Mudo sedex maalmod ah.

Hoos Ka Daawo sawiradda

DSC_0036 DSC_0036
DSC_0023 DSC_0024 DSC_0025 DSC_0026 DSC_0027 DSC_0029 DSC_0030 DSC_0032 DSC_0033 DSC_0034 DSC_0035

 

 

Please follow and like us: