Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u furtay 14 Dugsi oo abaaruhu sameeyen ee Gobolka Nugaal.

30/Maarso/2017- Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo Tababar soconaya mudo afar maalmood u furtay gudiga waari diinta  iyo Maamulayashii iskuuladii  abaaruhu  saameyeen  ee Gobolka Nugaal loogana furay hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Tababarka Waxaa lagu Tababarayaa sidii macalimiinta iyo Waaridka kor  loogu qaadi heerka aqoonta iyo xirfadda Bahda waxbarashada ku howlan.

Tababarkaasi waxaa ka qeyb galey 42 ruux oo ka kala socotey guddiga deegaanka abaaruhu saameyen  waxbarashada, , maamulayaasha iyo macalimiinta  wax ka dhigta dugsiga hoose, dhexe waxayna ka kala yimadeen 14 iskuul oo kala duwan ee Gobolka Nugaal.

Waxaa halkaasi ka hadley agaasiamha Waaxda Waxabarashada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Maxamed ismaaciil finiin wuxuu tilmaamey muhiimada ay leedahay tababarka noocaan oo kale ah iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga dadka dhanka tayadda waxbarashada. “Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka  ka dhexeeya waalidka iyo macalinka si loo gaaro hadafka sare-u-qaadista iyo iskaashiga wadashaqeyn ee ka dhaxeeysa labadooda”

Waxaa kaloo Tabbarka ka hadalay Furitaankiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland  Maxamed Abdulqadir Cismaan oo mowduucyada badan  ka hadley waxaa ka mid ahaa Xaladaha Waxabarashadu abarauhu samaeyeen dhamaan Gobolada Puntland  waxyaabaha saldhigga u ah hanaanka waxbarashada sida in la helo kaabayaasha waxbarashada oo dhameystiran si loo xaqiijiyo shanta tiir ee waxbarashada ku taagan tahay sida waaridka, macalin, arday, manhaj, qalab, iyo goobta waxbarashada oo amni ah.

Waxaa kalo agaasimuhu sheegay inay dhaamaan ka socdaaan goblada iskuuladu saamaysay abaartu gurmad iyo biyo dhaamis inta tabartoodana ku haynayaan Caruurta Goobaha Waxbarshada.

Maalinta 1aad waxaa la daraaseeyey xiriirka ka dhexeeya waxbarashada iyo horumarka; waxyaabaha saldhig u ah qorsheynta hanaanka waxbarashada, iyo qaabka biyo dhaamiska  Waaridka Maamulka iyo macalimiinta iyo sidii ay u wacyigalin ugu sameeyaan bulshada ku xeeran waxbarsahada deegaanka abaartu saamaysay.

Halka maalinta 2aad la daraaseeyey sida loo dhiso loona hago gudiyadda dugsiga sida Gudiga Waxbarashada Deegaanka ama Gudiga Waalidka iyo Macalimiinta; sida loo maamulo xarumaha waxbarashada iyo macalimiintooda deeqaha abaaraha loo keeno.

Tababarkani waxaa ka soo qeyb-galey oo dhiiri-geliyey Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Hay’adda Unicef Qaybeeda Waxbarashada deg dega ah. (Emergancy Education.)

Hoos Ka daawo Sawiradda

DSC01865 DSC01867 DSC01874 DSC01876 DSC01877 DSC01889 DSC01892 DSC01893 DSC01862 DSC01863 DSC01864 DSC01867 DSC01887 DSC01892

DSC01875 DSC01878 DSC01889 DSC01891 DSC01893 DSC01894 DSC01863 DSC01864

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top