Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar u furtay Macalimiinta Dugsiyadda Sare ee Puntland.(Crush Program)

20/07/2016.kuliyadda tababarka ee Macalimiinta Puntland ee GTEC waxaa uu tababar socon doono mudo bil ah uga furmay 210  Macalin oo dhiga dugsiyada sare ee Puntland.

Tababarka oo ay iska kaa shanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntand iyo Ha’yadda  Care  iyo Save the childaren  waxaa bixin doona Macalimiin ay usoo xushay wasaaraddu iyagoo lagu bari doono Macalimiinta casharo ku saabsan siday Aqoonta ay dhigaan kor ugu qaadi lahaayeen.

Daah furka tababarka oo lagu qabtay Xarunta GTEC ee Garowe waxa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waxaadda  Mashaariicda iyo Tababaradada Maclimiinta iyo Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare  Abdulaahi Axmed Maxamud iyo Masuuliyiin ka socday Ha’yaddaha CARE iyo  Save Children.

Maamulaha Kulliayadda Tabababrka Macalimiinta ee GTEC Abdirihmaan shiikhdon Cali ayaa waxaa uu sheegay sanadkaan inay yihiin macalimiintii ugu badnaa oo soo xarooday.

Maamulaha  kuliyadda  GTEC ayaa sheegay in Puntland ay heer  wanaagsan ka joogan Macalimiinta   Masuuliayad wayna  ka saaranayhay  dalkooda iyo  Dadkooda, waxa ay ballan qaadeen in ay sii xoojinayaan  Kuliyaddu  Tababaraadda  ay u qabtaan Macalimiinta dhinac Walba ha noqotee.

Maxamed  Yuusuf oo ka socday Ha’yadda Care oo madasha ka hadlay waxaa uu sheegay in Ha’yaddu ay wasaaradda ka caawin doonto sidii Macalimiintu ug  faa’iidaysan lahadeen aqoonta laysu guyeeray ,waxaa uuna ku buuriyey Macalimiinta inay noqdaan ka faa’iidaysata casharada lasiinayo.

Agaasimaha Waxaad  mashaariicda iyo tababarada ayey waxay u ahayd Maalin Wayn isagoo Meesha ku bartay boqolaal Macalimiin ah oo kala yimi gobolada puntland .

Agaasimaha Waaxda ayaa sheegay in uu ku faraxasna yahay Tababarkaan macalimiinta loo furay maanta waxaana uu sheegay in uu xafiiskiiska waaxada in uu aad ugu mashaquulsan yahay sidii loo Tayey lahaa Macalmiinta puntland.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare  Dr Maxamed Cali Faarax oo isagu Tababarka furay waxaa uu dhankiisa sheegay in Tababarkaan looga gon leeyahay sidii aqoonta Macalimiinta dugsiyada sare kor loogu qaadi lahaa,waxaa uu xusay in wasaaradu ay u jirto da’daal fara badan sidii isbadal dhab ah looga samayn lahaa waxbarshada,isagoo Carabaabay in hada waxbadan u qabsoomeen.

Ugu dambayntii waxaa uu Wasiirku ku- xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare kula dar daarmay Maclimiinta inay u adkaystaan wax kasta oo cadaadis ku keeni kara kana faa’iidaystaan aqoonta laysu gu yeeray.

Macalimiinta Maanta Tababarku uga furmay Kuliyadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC ayaa ah kuwa laga kala keenay deegaanada Puntand waana macalimiin dhiga dugsiyada sare ee Puntland ,waxaana Tababarku ku soo aaday xili fasax ay ku jiraan Ardayda wax kabarata dugsiyada Puntland.

Kuliyadda Tababarka Macaliminta ayaa waxaa buux dhaafashay Macalmiin ka kala yimi iskuulada kala duwan ee Puntland iyagoo raba inta Fasaxa ah ka faaii’daystaan Tababaradda loo qabato xili Walba ay fasax yihiin.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

IMG_3454 IMG_3456 IMG_3458 IMG_3460 IMG_3461 IMG_3465 IMG_3466 IMG_3476 IMG_3471 IMG_3472 IMG_3474 IMG_3476 IMG_3480 IMG_3481 IMG_3488

IMG_3495 IMG_3496 IMG_3498 IMG_3500 IMG_3502 IMG_3503 IMG_3485 IMG_3486 IMG_3488 IMG_3506 IMG_3509 IMG_3511 IMG_3515 IMG_3521 IMG_3525 IMG_3526 IMG_3530 IMG_3527IMG_3526

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top