Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar Manhajka ah uga furtay Macalimiinta Gobolada.

15/08/2016- Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa u furtay  Tababar labo Maalmood ah macalimiin ka kala yimi Goboladda Sool iyo Nugaal oo lagu  Tababarayey manhajka waxbarashada Dugsiyada Hoose Dhexe Waxaa wasaaradda ka caawinaya Tababarka Macalimiinta  hay’ada AET (Africa Education Trust)

Ujeedada Tababarka Macalimiinta ayaa lagu Tababarayey Manhajka cusub say ula qabasan lahyeen iyagoo lagu Tababarayo qorshe Cashar diyaarin iyo Manhajka cusub una gudbi lahyeen ardayda Macalimiinta iyo Dugsiga.

Khabarka Manhajka Abdulahi Muuse (Xuxuule) ayaa sheegay in ha wasaarada ka caawiso barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yahiin manaahijta, wuxuuna sheegay in 33 macalin cashar fiican  Qaaten  ka dib la helayo manhaj dhamaystiran oo ay isticmaalaan dugsiyada hoose dhexe bilowga xili Dugsiyeedka 2016/2017

Tababaraha labaad ee khabiir Maxamud Maxamed Siciid  (Caynsane)  ayaa sheegay in marka la soo dhameeyo qorista manhajka lagu  Dari doono in la qorista Buugta, wuxuu kula dardaarmay macalimiinta ay raaci doonaan  Buuggagta  cusub ee Manahjka waxbarashada Dugsiyada Hoose/Dhexe oo uu sheegay in ay tahay aasaaska waxbarashada Ubadka.

Asbuucan Gudihiisa ayaa Tababaro badan oo Macalimiinta Gobolada loo furayaa sidii ay Manahjka cusub ula qabsan daan  maalinta barito ah ayaa Waxaa ka furmaya Gobolka Mudug iyo asbuuca danbe Gobolka karkaar.

Macalimiinta Gobolka Bari Waa u socdaa Tababarka Manhajka Cusub.

Hoos ka Daawo Sawiradda

DSCF0930 DSCF0905 DSCF0906 DSCF0907 - Copy DSCF0907 DSCF0908 DSCF0909 - Copy DSCF0911 - Copy DSCF0911 DSCF0913 - Copy DSCF0913 DSCF0914 - Copy DSCF0920 - Copy DSCF0920 DSCF0922 DSCF0928 DSCF0929 - Copy DSCF0904 - Copy DSCF0905 - Copy DSCF0905 DSCF0907 DSCF0909 - Copy DSCF0909 DSCF0914 - Copy

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top