Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar ku saabsan Tayeynta Tacliinta oo Jamacadaha Puntland Tababar uga furaty Magaalada Garowe.

16/Agoosto/2015.Wasaaradda waxbarashada iyo tacliint sare ee dowladda Puntland ayaa shaqaalaha Jaamacaddaha Puntland ufurtay tababar ku saabsan tayo dhowrka waxbarashada tacliinta sare.

Tababarka oo socondoona muddo Afar bari ah ayaa waxaa ka qeyb galay furitaankiisa wasiirka  waxbarashada Puntland iyo madax ka socotay mashruuca waxbarashadu waa Iftiin ee uu ku yaboohay Midowga Yurub.

Agaasimaha tacliinta sare Puntland Cabdullaahi Cali Jaamac ayaa sheegay tababarkaan muhiimadiisu inay tahay kor uqaadida iyo ilaalinta tayada tacliinta sare Puntland.

Agaasimuhu wuxuu sheegay dadka loo qabtay tababarkaan inay ahaandoonaan mas’uuliyiinta hogaamindoona waaxda tayo-dhowrka jaamacadduhu leeyihiin.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali  Faarax ayaa sheegay tayo-dhowarka tacliinta sare inuu qeyb muhiim ah ka yahay horumarka jaamacaddaha iyo jiritaankooda

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Dr. Abshir Aw-Yuusuf oo furay tababarkaan aaa sheegay inay kordhindoonaan tababarada caynkaan oo kale ee lagu xoojinayo tayada waxbarashada tacliinta sare Puntland.

Daawo Sawiradda.

1

2

3

4

5

6

7

 

9

10

11

12

13

14

15

16

17

19

20

21

22

18

 

A3 A2 A

1234567891011121314151617181920

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top