Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo soo gobagabaysay Xogta Waxbarashada Punland 2018- 19.

Waxaa maalmahan magaalada Garowe shaqo ballaaran uga socotay shaqalaha Gobollada buugga qorshaha Xogta Waxbarshada Puntland 2018-2019 iyadoo loo diyaarinayo habsami socodka Waxbarashada Puntland.

Agaasimaha Waaxda qorshaynta iyo siyaasadda ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Asmaa Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegtay inay dhamays tireen Xogtii Emista 2018-2019ka, iyadoo tiri shaqalaha Xirfadlayaasha ah oo horay lagu tababaray xogta ayaa dhabar adayg badan iyo waqti siiyey inay soo afmeeraan xogta Emis 2018-2019.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo samaysatay agab casri ah oo Xogta Waxbarashada ah laguna magacaabo (EMIS) oo ah hab lguna ururiyo laguna diiwaan galiyo, laguna keydinayo sannad kasta xogta waxbarashada Puntland.

New software Agabkan Casriga ah ayaa dhammaan lagu tababarey shaqalaha Gobollada Waxbarashada Puntland iyadoo ay u tahay maamul dajin xogta Waxbarashada Puntland, iyadoo Wasaaraddu u baahan tahay in la helo xog dhab ah oo lagu kabi doono waxyaalaha la hiigsanayo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Barnaamijka Emis wuxuu taageeri doonaa hormarinta Waxbarashada Puntland oo leh hababka cilmi baarista Waxbarashada iyo tiro ahaan, oo ay kujirto adeegsiga sahan ballaaran, iyo jihayn siyaasadeed oo xoog leh, iyadoo loo isticmaalayo hab casri ah 2018-2019.

Barnaamijkan ayaa xoogga saari doona kor uqaadidda tirada iyo tayada ka qeybgalka waxbarahada caruurta Puntland ee Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macallinka, tayaynta dugsiyada Puntland, xoojinta kormeerka, manhajka Cusub iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dawladda, gaar ahaan Waxbarashada Gobollada.

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top