Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo soo Gabagabaysay imtixaanadkii Naqaliga iyo shahaadiga ahaa ee Sanad-dugsiyeedka 2015-16.

14/May/2016:- Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda u fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland  ka soo af jarmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka 2015-16, haddana waxaa la sugayaa in 21 ka bishatan Maajo ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka WWTS C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm, waxuuna musuuliyinta Gobolada Waxbarashada u sheegay inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Sidoo kale waxaa  gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan,  marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

dhamaan Waxaa iskuulada kormeer ku tagay agaasimaha waxaad Waxbarashada Tooska ah Maxamed ismaaciil faniin isagoo Gudoomiyeyaasha Waxbarashada iyo Maamulayasha Gobolada Telofon kula xiriiray, say ay isku mar u qaateen jadwalkii sanad- dugsiyeedka 2015-16.

Hoos ka Daawo Sawiradii Imtixamadkii Sanad-dugsiyeedka.

 

ufaynshiikh osmansalahudiin gambool muntada najax Nawaawi

 

Nawaawi shaficixarfoxarfo

DSC08445DSCF2970DSCF294946454341CIMG_0117
IMG_1141IMG_1151IMG_1065IMG_1074IMG_1075IMG_1046IMG_1047IMG_1050IMG_1054IMG_1066IMG_1067IMG_1081IMG_1152IMG_1074IMG_1126IMG_1129IMG_1130IMG_1138IMG_1142IMG_1152IMG_1083IMG_1141IMG_1141IMG_1151IMG_1065IMG_1074IMG_1075

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 


    

Scroll to Top