Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo soo bandhigtay xog Ururin Horey loogu soo sameeyey Gobolka Karkaar iyo Nugaal oo ku saabsanayd wax akhtriska iyo qorista Dhallaanka

29/03/2016-Waxaa Maanta hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay shir wayn oo looga hadlayey xog ururin  ay horay u soo samaysay Wasaaradda Waxbarashada  iyo  Tacliinta sare iyo Hay’ada Save tha Children iyo Hay’adda NORAD.

Shirka ayaa Waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Cali Shire (kayse), Gudoomiyasha, Degmooyinka Waxbarasahda Gobolka Karkar iyo Nugaal iyo  dhamaan shaqaalaha Xarunta.

Shirkaan ayaa u jeedadisu ahayd in xog u ruurintii la soo samayey bishii November 2015 in la ogaado Goobihii Waxbarashada puntland laga soo sameyey.

Waxaana soo bandhigaysay khubardii Daraasadka samayeyey oo ka socaday Wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda Save the Children

Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Waxabarashda iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankan Qiimaynta leh, waxa kale uu sheegay in Puntland Waxbarashadeeda meelkasta loogu Tago lana xakameeyo Baahida ka jirta Waxbarashada.

Xog ururintan ayaa horey looga soo sameeyey Gobolka kar-kaar iyo Nugaal iyadoo ku sabsanayd wax akhtiska iyo qoraal la’anta waxbarashada Dhallaanka ah.

Hoos ka Daawo Sawirdda.

 

IMG_0336 IMG_0338 IMG_0343 IMG_0342 IMG_0340 IMG_0354 IMG_0339 IMG_0355 IMG_0344 IMG_0354 IMG_0349 IMG_0348

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

 

 

Scroll to Top