Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo soo afmeertay imtixaankii shahaadiga ah 2017.

25/May/ 2017- Waxaa soo gabagaboobay imtixaanka shahaadiga ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ardaydii ka qaybgashay, Agaasimaha Waaxda Taya-dhawrka Manahijta iyo Kormeerka Guud C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa dhammaan waalidiintii dhiirigalisay aradyda iyo Hawlwadeenadii imtixaanka waxa u diray fariin hanbalayo ah.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.

Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.

C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa sheegay in uu Imxtixaanku ku so dhamaday jawi wanaagsan wax carqalado ahna aysan sanadkan ka hor imaan.

Alle ayaa mahadaas leh, Guul iyo mustaqbal ifaaya baan u rajaynaayaa ardayda.
Guul, Guul, Guul.

 

Hoos ka Daawo sawiradii imtixamadka.

DSC_0127 DSC_0126 DSC_0166 DSC_0070 DSC_0062 DSC_0041 DSC_0027 DSC_0011

63 4 5 6 7 8 10 11 12 40 42 43 44 49 50 51 60 61 62

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Deeq Hurevov.

Scroll to Top