Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shir dib u eegis ku Samaynasa Waxqbadkii lixdii bilood EU-DA.

2/Agosto/2016- Kulan dib u eegis loogu sameynayo 6-dii bilood ee lasoo dhaafey Mashruuca Waa Iftiin Waxbarashadu ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe, Waxaana kasoo qeyb galay saraakiil ka socota Midowga Yurub oo maalgaliya mashruucan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Dr Abshir Awciise ayaa furay kulanka oo ay goob joog u yihiin Hay,addaha Wasaaradda kala shaqeeya mashruucan oo ah kan ugu balaaran ee Midowga Yurub ka taageero Puntland.

Dr Abshir Awciise ayaa sheegey in kulanku soconayo ilaa maanta galinka danbe islamarkaana mashruucani uu yahay mid wax weyn ka tara dhismayaasha iskuulada, tababarada macalimiinta , Scholarship-yada hadana lagu gudo jiro wajigiisii 2aad .

Wasiirka ayaa intaas ku daray inta kulanku socdo in diirada lagu saarayo wax-qabadka mashruuca lixdii bilood ee lasoo dhaafey Sidoo kalena looga arrinsanayo wax-qabadka lixda bilood ee soo socota.

Daawo Sawirada.

DSCN2025DSCN2026DSCN2027DSCN2028DSCN2029DSCN2030DSCN2031 DSCN2033DSCN2034DSCN2035 DSCN2037DSCN2039DSCN2040DSCN2041DSCN2042

Scroll to Top