Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shaacisay imtixaankii dugsiyad sare ee Puntland 2016-2017′

Warbixin kooban oo ku saabsan Imtixaankii 2016/2017

  1. Qorshaynta hawlaha imtixaanaadka

Sida caadiga ah waxaa la qorsheeyaa  Xafiiska Imtixaanaadka bisha Agoosto oo ah bilawga sannad dugsiyeedka Puntland iyadoo lala dhammaynayo dugsiyada. Haddaba bilaha uu ugu mashquulka badan yahay xafiisku ayaa ah Disember ilaa Julay ee sannad walba xilligaas oo ay dhacaan hawlaha ugu muhiimsan ee imtixaanaadku sida; dejinta imtixaanka, dib u habaynta, diwaangelinta ardayda, aruurinta kharashaadka imtixaanka, daabacaadda imtixaan, qaadista iyo sixidda, ku dhawaaqidda natiijada, raadinta deeqaha waxbarashao iyo qaybinta ardayda.

Sannadka 2017, wuxuu u ahaa sannad ay waaxda imtixaanaadku ku tallaabsatay horumar baaxad leh marka la qiimeeyo dhammaan hawlaha aan kor ku soo sheegnay oo u wada dhacay sidii loo qorsheeyay gaar ahaan marka la eego arrrimaha hoos ku qoran

  • Taboabaridda iyo sare u qaadida xirfadda shaqaalaha Waaxda taas oo saaamaynteedii si cad uga muuqatay imtixaankii 2017ka
  • Sare u qaadista iyo Xirfadaynta hawlwadeenada imtixaanaadka kormeerayaasha, ilaaliyayaasha, saxayaasha iyo dejiyayaasha imtixaanka.
  • Xoojinta xirfadda warbixinta, lafaguridda, iyo tarjumidda natiijada imtixaanka iyadoo la soo saarayo warbixinno kala duwan oo kala ah; warbixin farsamo, warbixin lafaguridda imtixaanka iyo warbixinta lafaguridda maadooyinka.
  • Ardayda Baahida Gaarka Qabta oo si dhab ah waaxda isugu hawshay in aanay ka harin safarka waxbarashada ha noqdaan indhoolayaasha, dhaawacyada, autosimka, umulaha iwm oo dhammaan ka mid ahaa dadkii sannadkan imtixaanka u fariistay.

 

  1. Ardayda imtixaanka isu diiwaangelisay

 

Fariisatay Gudubtay Dhacday Maqan
Wiial Gabdho Wiilal Gabdho Wiilal Gabdho
2,479 1,410 2,365 1,322 72 64
3,889 3687 136 66

 

Saamaiga gudbidda                                        =         94.8%

Saamiga dhiciida                                            =         3.5%

Saamiga maqnayd                                         =          1.7%

Saamiga gabdhaha gudbay                            =          35.9%

Saamiga wiilasha gudbay                               =          64.1%

 

  1. Falanqaynta natiijada ardayda
  2. Waxqabadka Maadooyinka (subject performance)

Guud ahaan natiijada imtixaanka IV aad ayay uga duwanayd sannadihii hore, waxaana muuqata in ay tayada waxbarashadu isu bedelayso jiif iyo joog labadaba. Ardaydu waxy muujiyeen dhabar adayg iyo karti, waxay muujiyeen imtixaan iyo natiijo xirfadysan oo aad uga fog qish, iyo musuqmaasuq, waxay imtixaanku ku galeen kalsooni buuxda oo ay ku qabaan naftooda iyo dadaalkii dheeraa ee ay soo sameeyeen, kalsoonidaas oo aad manta ka dareemayo in ay u gudubtay xataa fasalkii 8aad.

Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan waalidka macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada oo abuuridda kalsoonidaas kaalin mug leh ka qaatay.

Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa dhammaan hawlwadeennadii imtixaanka oo iyaguna suura geliyay in ardaydu ay imtixaanka ku galaan jawi ama xaalad isku mid ah.

Si kastaba ha ahaatee kormeerayaashii imtixaanku waxay soo gudbiyeen dhacdooyin qish mobile iyo agab kale oo ka dhacay xarumaha qaarkood waxaana la waafajiyay sida aan arki doonno xeerarka imtixaanaadka ee arrintaas uga yaal.

Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa isbedelkii ku dhacayay maadooyinka Sayniska, Eng. Iyo Xisaabta oo ardaydu guud ahaan ku hooseeyeen saddexdii sano ee ugu dambaysay taas oo tuse cad u ah halka aan u soconno

 

Maado 2015 2016 2017
English 48.02 55.80 47.40
Xisaab 26.01 30 27.9
Physics 39.70 45.9 46
Biology 47.19 44.9 49.3
Chemistry 46.44 39.6 40.4

 

Sida ku cad shaxda sare waxaa muuqdata in celceliska maadooyinkaas uu ka hooseeya 50% loona baahan yahay in laga qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo.

  1. Waxqabadkii dugsiyada (school performance)

Waxaa sidoo kale isbel xoogan uu ku dhacay performanceka dugsiyada Puntland kaasoo runtii laga dheehan karo shaxda hoose

Sannad dugsiyee A B C D E Totalka dugsiyada
2015 0 10 37 5 0 52
2016 0 15 38 5 1 59
2017 0 8 51 6 0 65

 

NB:

  • Dugsiyada oo labadii sano ee dambaysa ka soo baxay darajada E
  • Gradeka C si isdabjoog ah u kordhaya
  • 10 ka dugsi ee ugu sarreeya oo noqday 8 B ah iyo 2 C+

 

  1. Waxqabadka ardayda (student performance)
Sannad A B C D E
2015 556 918 962 306 41
2016 605 1,068 1083 321 98
2017 604 959 1,297 826 136

 

NB:

  • Waxaa soo kordhaya ardayda kaalimaha hore ee A
  • Waxay ardaydu badan yihiin caloosha B&C taasoo ku tussays in imtixaanku ku fariisanayo Normal curve of distribution

 

Natiijo la baabi’iyay

Qishka iyo anshax xumadu waa wax ka reeban imtixaanaadka, waxaa qish noqon kara in arday lagu qabto agab u fududaynaya in uu helo taageero sida macallin, waraaqo, buugaag, mobile, iyo agabka electronicska guud ahaan. Waxaa kale oo noqon kara in uu warqaddiisa arday kale u dhiibto amaba loo galo imtixaanka.

Imtixaanaadka Puntland waxaa uga degsan dhammaan arrimahaas sharciyo adadag oo lagu qaado haddii arday lagu helo, kuwaas oo noqon karta in maado ama maadooyin lagu helay la baabi’iyo ama natiijadiisii oo dhan la baabi’iyo.

Haddaba, sannadkan waxay kormeerayaasha imtixaanku soo gudbiyeen in 18 arday oo xarumo kala duwan ku kala gelayay imtixaanka ay ku kaceen qish kala duwan, sida mobile lagu qabtay, waraaqo, buug, imtixaankii oo ay kala bedesheen iwm. Dhammaan ardaydaas waxaa lagu qaaday xeerka imtixaanka ee “qishka iyo anshax xumada” waxaana la baabi’iyay maadooyinkii lagu qabtay in ay qish heleen iyadoo loo soo gudbiyay NG (no grade). Waxaa kale oo imtixaankiisii la baabi’iyay arday lagu helay in ay soo boodeen si khaldanna ay ku soo fariisteen form fourka. Sidoo kale kormeerayaashu waxay soo calaamadiyeen xarumo aan dib uga fiirsan doonno xarunnimadooda.


Kaalimada dugsiyada xagga gradeka iyo waxqabadkooda

S/no School Name A A% B B% C C% D D% E E% ABS Total
1 Nugal Sare 11 52.38% 3 14.29% 6 28.57% 1 4.76% 0 0.00% 0 21
2 Shiekh Osman 55 43.31% 52 40.94% 15 11.81% 5 3.94% 0 0.00% 1 128
3 Imam Nawawi Gardo 23 31.51% 21 28.77% 16 21.92% 11 15.07% 2 2.74% 0 73
4 Imam Nawawi Bosaso 43 31.39% 43 31.39% 39 28.47% 12 8.76% 0 0.00% 1 138
5 Buraan Secondary 9 26.47% 6 17.65% 14 41.18% 5 14.71% 0 0.00% 0 34
6 Almuntada Gardo 22 25.00% 35 39.77% 25 28.41% 6 6.82% 0 0.00% 0 88
7 Dangoroyo 6 25.00% 4 16.67% 8 33.33% 5 20.83% 1 4.17% 1 25
8 Alfurqaan Secodary 14 23.73% 17 28.81% 22 37.29% 6 10.17% 0 0.00% 0 59
9 Yamays 7 23.33% 10 33.33% 8 26.67% 5 16.67% 0 0.00% 0 30
10 Bosaso Public 42 21.88% 54 28.13% 72 37.50% 24 12.50% 0 0.00% 1 193

 


Talooyin

  • In la joogteeyo sare u qaadista xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha imtixaanaadka si ay shaqadooda ugu saleeyaaan xirfad iyo aqoon.
  • Imtixaanku wuxuu ku xiranayay waaxaha kale ee wasaaradda sida kormeerka iyo manaahijta, haddaan la xoojin labadaas waaxood oo aan loo fududayn gudashada waajibaadkooda, hormar wayn lagama samaynkaro imtixaanadka.
  • Waxaa soo badanaya ardayda ka tallaabsanaysa heer ama labo heer ka dibna dhuumasho ku soo gelaya imtixaanka caamka taas oo badanaa ka dhacda magaalooyinka waawayn. Haddaba waxaan soo jeedinaynaa in tallaabo laga qaado arrintaas.
  • Tayaynta iyo sare u qaaddista xirfadda qiimayneed ee heer dugsi waxay saamayn toos ah ku leedahay imtixaanka caamka ah. Sidaas awgeed,  waxaa lama huraan ah in la daadejiyo xirfaddaha dejinta, qaadista, sixidda iyo maamulka imtixaanka si loogu soo barbaariyo ardayda inta ay dugsiga joogaan. Taasi waxay nagu taageeraysaa in aan dejinno su’aalo waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, kuna fadhiya qaybaha aqoonta.
  • In xad loo sameeyo dugsiyada sare ee furmaya, lana caddeeyo cidda, meesha iyo goorta la furayo, waayo dugsiyada sare ee soo kordhayaa waxay caqab ku noqdeen tayadii waxbarashada.
    Dugsiyada ugu waxqabadka (performance) fiicnaa

Waxan halkaan ku soo gudbinaynaa dugsiyada ay mudantahay in la xuso shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen awgeed. Waxqabadka dugsiga ama school performancega waxaa lagu soo saaraa;

Wadarta natiijada ardadiisa oo loo qaybiyay tirada ardaydiisa

 

S/N Dugsi Celceliska dhibcaha Grade
1. Sheekh Cismaan 69.23 B
2. Nugaal secondary 68.36 B
3. Raas Casayr 64.62 B-
4. Imaam Nww Bosaso 63.29 B-
5. Almuntada Qardho 62.75 B-
6. Xingalool 60.71 B-
7. Imaam Nww Qardho 6042 B-
8. Alfurqaan 60.24 B-
9. Bosaso Sare 59.52 C+
10. Yamays 59.45 C+

 


11 ka Arday ee ugu sarraysa imtixaanka Form Fourka 2017

 

S/N RNo Magac Dugsi Grade Celcelis
S173280 C/laahi Maxamud Yuusuf Maxamuud Alwaxa A 96.71
S170427 Maxamed Xasan Ciise Farax Sare Bosaso A 95.57
S170138 Maxamed Axmed Cabdi Yuusuf AlNajax A 93.57
S173786 Jaamac Maxamuud Faarax Gambool A 93.43
S170836 Claahi Saciid Sualaymaan Yuusuf Imaam Shaafici A 93.14
S170275 C/casiis Xasan Xuseen Sare Bosaso A 93.00
S171714 Nashaad Ibraahim Maxamed Muuse Dhahar secondary A 92.71
S172747 C/rashiid Deeq Cabdi Cumar Samatar A 92.43
S173749 Xabiib Cabdi Bootaan Diiriye Gambool A 92.43
S173373 Saciid Cali Maxamed Ciise Alwaxa A 92.29
S171670 C/kariin Ismaaciil Cabdi Shabeel Dahar Sare A 92.29

 

IMG_5457 IMG_5373 IMG_5374 IMG_5385 IMG_5387 IMG_5393 IMG_5394 IMG_5395 IMG_5396 IMG_5397 IMG_5400 IMG_5409 IMG_5410 IMG_5411 IMG_5413 IMG_5414 IMG_5432 IMG_5433 IMG_5434
IMG_5449 IMG_5450 IMG_5451 IMG_5452

IMG_5372 IMG_5373 IMG_5374 IMG_5380 IMG_5387IMG_5426IMG_5369IMG_5370IMG_5375IMG_5376IMG_5379IMG_5380IMG_5390IMG_5403IMG_5404IMG_5415IMG_5416IMG_5417

IMG_5425By: Deeq Hurevov: Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Scroll to Top