Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shaacisay Imtixaanadkii Dugsiayda sare ee Puntland.

julay/05/2016- Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah shaacisay Natiijada Imtixaanaadka Shihaadiga ah ee 2015/2016 ka dib munaasibad lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaradda.

Kulankan shaacinta ah waxaa goobjoog ahaa madaxda ugu saraysa wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Mamulayaasha Iskuuladda qaarkood, waalidiin iyo Xildhibaano ka socday Baarlamaanka Puntland.

Ugu horayntii Agaasimaha Imtixaanaadka ee wasaradda Mudane Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) ayaa ka waramay heerarka uu soo maray Imtixaanka Shaahadiga ah, wuxuna sheegay inay ku guulaysteen sixitaanka Imtixaanka si cadaad ah oo aan wax is-dabo marin ahi ku jirin.

Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada Axmed Maxamed Abdulaqdir Cismaan ayaa guul ku tilmaamay shaacinta Imtixaanka iyo qaabka loo saxay waxa kale uu hambalyo u diray ardaydii iyo Iskuuladii tobanka sare ee Imtixaanka galay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare  iyo Wasiir  ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin nidaamka uu soo maray sixitaanka Imtixaanka Shihaadiga ah ee Puntland, sidoo kale waxay sheegeen inay mar kasta dadaal ugu jiraan sidii loosii horumarin lahaa hanaanka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Wasiir Abshir Yuusuf Ciise  ayaa balan qaaday inay deeqo waxbarasho helayaan ardaydda Kaalmaha ugu sareeya Imtixaanka ka galay.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland ayaa shaacisay maanta natiijada Imtixaanaadka dugsiyada sare ee Puntland, iyadoo Sannadkan Imtixaanka ay u fariisteen arday gaaraysa, 3307 oo ku kala Sugan degamooyinka gobollada Puntland. Wasaarada ayaa waxay soo bandhigtay tobanka dugsi ee ugu sareeya, tobanka arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Puntland, Maaddooyinka Ardaydu ku fiican yihiin iyo darjooyinka cel-celis ahaan ka haystan kooxaha A,B,C,D iyo E.


Hoos Ka Daaawo sawiradda Shaacintii imtixaanka

IMG_0230 IMG_0123 IMG_0126 IMG_0136 IMG_0170 IMG_0131 IMG_0111 IMG_0150 IMG_0109 IMG_0277 IMG_0247 IMG_0230 IMG_0161 IMG_0112 IMG_0115 IMG_0114

 

IMG_0134 IMG_0141 IMG_0146 IMG_0150 IMG_0159 IMG_0163 IMG_0164 IMG_0166 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0190 IMG_0198 IMG_0229 IMG_0233 IMG_0235 IMG_0248 IMG_0260 IMG_0277 IMG_0290

IMG_0147 IMG_0315

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top