Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo shaacisay hay’ada ku guuleysatay qiimayntii iyo tartankii loogu jirey qanadraaska barnamijka GPE 2017- 2020

17/ 07/2016- Wasaarada Waxbarshadda Iyo Tacliinta Sare ayaa maalmihii la soo dhaafay ku hawlanayd qiimeynta shan (5) hay’adood oo bah wadaag la ah Wasaarada Waxbarashada, guud ahaana ka hawl gala deegaanada Dawladda Puntland. Ugu horeyntii, Wasaaradu waxay xayaysiisay qandaraas ku saabsan barnaamij Wasaarada uu ugu deeqay, deeq bixinayaha loo yaqaan Global Partnership for Education (GPE) oo waxbarashada Puntland taageero dhaqaale ka gaysta isaga oo soo marinaya hay’ado calami. Hay’adaha soo dalbaday codisigaas waxay kala ahaayeen Mercy Corps, NRC, Save the Children, Relief International iyo UNICEF.

Waxaa goob joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Prof: Abshir Yusuf ciise  Wasiir ku xigeenka Wasaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare Dr Maxamed Cali Faarax Agaasimaha guud Wasaasradda Waxbarashada Maxamed Abdulqaadir Cismaan iyo dhamaan shaqalaha wasaaradda Waxbarashada iyo Hayadaha Taageera waxbarshada puntland ayaa kulankaa ka qayb galay.

Qiimeyn kala duwan ka dib, waxaa tartankii ku guuleystay hay’ada UNICEF oo ah laf dhabarta taageerada waxbarashada asaasiga ah ee Puntland. Waxaa xusid mudan in UNICEF ay tahay hay’ada horay wasaaraad uga shaqaynaysay barnaamij hore oo ku deeqay GPE, Hay’ada  UNICEF ku guulaysatay in ay noqoto haya’daha bah wadaaga la ah GPE isla markaana codsan karta deeqda GPE Waxbarashada puntland ugu deeqday.

Waxaana shaaciyey inay ku guulaysatay barnamijkaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof: Abshir yuusuf ciise.

Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa sheegay in ay farxad u tahay Wasaaradda waxabarashada  in maanta ay kaga dhawaaqdo mashruucaan in ay ku guulaysatay UNICEF wasaaraduna ay diyaarisay wax kasta oo suura galinaya in la helo hay’ayad Taagero dhaqaale ku biirin karta waxabarashada puntland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qayb galay hay’adaha Calamiga ah iyo kuwa maxa liga ah ee ka shaqeeya waxbarashada Puntland waxayna soo dhaweyeen go’aankii iyo qiimayntii Wasaarada. Waxaa la isku raacay go’aankii Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare.

Mashruucan GPE waxabarashada puntland ayaa waxaa u soconayaa Mudo Saddex sano ah.

Hoos Ka daawo Sawiardda.

IMG_3236 IMG_3216 IMG_3224 IMG_3225 IMG_3227 IMG_3232 IMG_3294 IMG_3230 IMG_3244 IMG_3247 IMG_3249 IMG_3260 IMG_3261 IMG_3287 IMG_3272 IMG_3221 IMG_3293 IMG_3225 IMG_3251

IMG_3277 IMG_3293 IMG_3294 IMG_3295 IMG_3300 IMG_3302 IMG_3307 IMG_3316 IMG_3324
IMG_3336 IMG_3337 IMG_3332IMG_3253 IMG_3224 IMG_3226 IMG_3249 IMG_3430 IMG_3432 IMG_3433 IMG_3437 IMG_3439 IMG_3440 IMG_3441 IMG_3442 IMG_3444 IMG_3449 IMG_3450 IMG_3451 IMG_3452 IMG_3430 IMG_3431 IMG_3434 IMG_3441

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top