Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Sagootisay Macalimiin Dalka Suudaan ka Yimid.

29/03/2015:Wasaaradda waxbarashada iyo Taclinta Sare ayaa maanta kulan balaaran la qaadatay hawl wadeenadii imtixaanka form fourka ee dugsiga sare ee Xamdaan. Hawl wadeennadaas oo isugu jiray macallimiin, maamul iyo masuuliyiin sare oo ka yimid dalka Suudaan oo kormeerayay imtixaanka.

Shirkaas ayaa waxaa kaso qayb galay wasiirka wasaaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare , wasiir ku xigenka, Agaasimaha guud, Guddoomiyahay imtixaanaadka iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare, shirkaan ayaa waxaa furay wasiirka wasaaradda waxaana uu uga mahad celiyey sidii ay uga qayb qaateen habsimi u socodka imtixaanaadka oo ku dhammaaday jawi wanaagsan.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay arday dhan 73 oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo socday mudo dhan 18 bari kuna galayeen Jaamacadda kuliyada tababarka macallimiinta ee Garowe (GTEC)

Imtixaankaan ayaa waxaa lagu soo diyaariyay dalka Suudaan, waxaana gacanta ku hayay maamulkiisa Xafiiska Imtixaanaadka ee Puntland. Waxaa xusid mudan in imtixaanku ay ilaalinayeen 20 macalin oo iskuug jira suudaaniyiin iyo Soomaaliba.

Ujeedada kulanka waxaa ka mid ahaa:

  1. Soo dhawayntii iyo sagootin macalimiinta imtixaanka ilaalinaysay.
  2. Mahad celin kaalinta ay dawlada suudan ku leedahay waxbaridda iyo barbaarinta ardayda Puntland iyo Soomaaliya.
  3. Sidoo kale wasiirku wuxuu mahad balaan usoo jeediyey macalimiintii iyo ardaydii imtixaanka shahaadiga ah u fariisatey isagoo u rajeeynaya guul INSHA ALLAAH.
  4. Waxaa kaloo ay isla soo qaadeen hormar in laga sameeyo manhajka suudan iyo sidii ugu fudud ee ay ardaydu ula qabsan lahayeen
  5. In la xoojiyo luuqada carabiga ah iyo in la ballaariyo dugsiyada ay suudan ku leedahay Gobolada Puntland
  6. Sidoo kale Macalimiinta ayaa waxa mahad ballaaran usoo jeediyeen dawlada puntland gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare sida ay ugu hawlgalayso ugana hawlan tahay hormarinta waxbarashada puntland..
       Hoos Ka Daawo Sawirada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

Scroll to Top