WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE OO SAGOOTISAY ARDAY WAXBARASHO KA HELAY DALKA YAMAN

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa maanta Sagootisay 11-arday oo waxbarasho ka helay Dalka Yaman.

Ardaydan oo hayaa ardaydii sanadkan 2014-ka ka qalin jabisay Dugsiyada sare ee Puntland ayaa helay Fursado waxbarasho oo ay Dalka Yaman kaga soo baranayaan Maadooyinka Caafimaadka, Farmashiyiiste, Dantiste, Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Waxbarashada, iyo saxaafadda, iyagoo Jaamacaado kala duwan ee Gobolada Dalka Yaman.

Sagootintii ardayda ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cali Xaaji Warsame, Wasiir ku xigeenka Maxamed Cali Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Cabdi Cali Shire, Agaasime Waaxeedyo, Lataliyayaasha Wasaaradda Waxbarashda, iyo Waaridiin.

ugu horreyn waxaa ka warbixiyay Ardaydan iyo Jaamacaadaha ay heleen Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane) oo ka mid ah Saraakiisha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Guddiga deeqaha Waxbarashada, waxaana uu sheegay in dhammaan ay ardaydani heleen kulliyado muhiin ah ayna u diyaar yihiin dhammaan waraaqihii looga baahnaa safarkooda iyo Jaamacaadaha ay ku wajahan yihiin.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Faarax ayaa isaguna siiyay dardaaran dheer oo qiiro leh kaasoo uu waaninayay ardayda inaysan waxbarashadooda dayicin, dhowraanna sumcadda Wadanka iyo Soomaalida guud ahaan, waxaa sidoo kale uu dhiiri galiyay inay dadaal badan sameeyaan, guushooduna ay ku jirto dadaalka ay hadba la yimaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashda Cali Xaaji Warsame ayaa isaguna dhankiisa u sheegay Ardayda inay ku heleen dadaalkii ay la yimaadeen oo ay darajooyinka sare kaga galeen natiijadii Imtixaanaadka, Wasaaradduna ay ku dadaalaysay oo qura sidii loogu caddaalad samayn lahaa Ardayda, sidaa daraadeed ay dadaalkoodii meeshiisii ka sii wadaan.

Wasiirku waxaa uu sheegay inuu tagay Dalal ay joogaan Arday Soomaaliyeed khaas ahaan arday ka baxday Dugsiyada Puntland, waxaana uu sheegay in ay Sumcad ku leeyihiin, loona yaqaan ardayda ugu dadaalka badan sidaa daraadeedna uu ka rajaynayo inay iyaguna la mid noqon doonaan oo sumcad u soo jiidi doonaan Dalkooda iyo dadkooda, waxbarashda ay soo qaataanna ay hadhoow wadankooda wax badan ugu qaban doonaan.

Guud ahaan Hadaladii Madaxdu u jeedisay Ardayda ayaa u badnaa guubaabo iyo talooyin ay siinayeen ardayda, waxayna ugu hambalyeeyeen Waxbarashada ay heleen iyo dadaalkii dheeraa ay u soo mareen, waxay sidoo kale sheegeen in ay jiraan arday kale oo ay ka soo daahday aqbalaaddii Jaamacaha oo aadi lahaa dalal kale sida Suudaan, Itoobiya iyo Ciraaq, waxayna ka codsadeen inay dulqaad yeeshaan usbuucyada soo socdana la rajaynayo inay u timaaddo aqbalaadoodii.

Scroll to Top