Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo sagootisay 14 gabdhood oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacada Axfaad ee Dalka Suudan

06/Feb/2017- Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland ayaa sagootisay 14 gabdhood oo araday oo dalka Suudaan oo ka helay deeq Waxbarasho khaas ahaan jaamacada Axfaad. Ee Dalka Suudan.

Gabadhahan Ardayyda ah oo deeqda waxbarasho loo helay ayaa kamid ahaa ardaydii sanadkii hore ee 2016kii  kaalimaha ka galay imtixaankii dugsiyada sare Puntland ugana sareeyey Gabdhaha.

Munaasabad ardaydaan lagu sagootinayay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka  xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali  Faarax  iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan iyo Agaasimaha Xafiiska Imtixanadka Axmed Maxamud Warsame iyo shaqalaha Wasaaradda ee kala duwan.

Agaasimaha Waaxada imtixaanadka  ee wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland  Axmed Maxamud Warsame ayaa sheegay ardaydaan in markii hore ka daaheen Visaha balse ugu dambayn wuxuu sheegay in loo helay visihii  dalka Suudaan. Wuxuu ardayda  kula dardaarmay inay si fiican uga faa’iidaysatn Waxabarashadooda ,Jaamacada Axfaad ayaa ka danbaysa jaamacadaha kale Dalka suudan furitaankeeda,

Agaasimaha Guud Maxamed Abdulqadir Cismaan oo ah  ayaa sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii ardayda reer Puntand deeq waxbarasho ugu heli lahaayeen ugu dambeyna ay ku guulaysteen 14 Gabadhod  in loo diro dalka Suudaan.

Waxaa kale oo uu sheegay inay ardayda reer Puntland tixgalin gaar ah ku leeyihiin dalka Suudaan, laguna ammaano heerkooda waxbarasho iyo eedaabtooda guud oo ay kaga duwan yihiin ardayda kale ee Soomaalida.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax oo madasha ka hadlay ayaa ardayda ku booriyay inay waqtigooda dhalinyarinimo ka faa’idaystaan islamarkaana aysan ku hamin tahriib iyo wax lamid ah, lana qabsadaan nolashada dalka Suudaan..

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay inaysan dayicin fursadaan waxbarasho ee la siiyay ayna ogaadaan dhibaatooyinkii waalidoonta kasoo mareen barbaarintooda iyo inay maanka ku hayaan mas’uuliyadda saaran.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Dr Maxamed Cali faarax   oo aad hadalka ugu dheeraday ayaa sheegay dowladda Puntland inay dadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare.

Dr Maxamed Cali faarax wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland.

Jaamacada Axfaad ayaa sanad walba siisa deeqo waxbarasho gabdhaha ugu sareeya Puntland, waxayna siisa kuliyaddo kala duwan.

Ugu dambayn ardayda helay deeqaha Waxbarasho ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyinkooda iyo dekumentaya ay ku tagayaan dalka Suudaan.

  Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSC01683 DSC01677 DSC01679 DSC01698 DSC01676 DSC01675 DSC01674 DSC01683

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top