Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo saaka kormeer ku tagtay Goobaha uu ka socdo Imtixaankii Naqliga ahaa.

Sabti, 6 january 2018)-Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland ka furmay maanta imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka ee termka hore 2017-18, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayo-dhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.

Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”

Sidoo kale waxaa gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan, marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax iyo ku xigeenka  Waaxda Xafiiska Imtixaamadka faadumo Neero ku tagaya kormeer imtixaankii termaka saaka aroortii iyagoo qiimaynaya imtixaanka Tayadiisa iyo Macalimiinta iyo Ardayda ku jirta Imtixaanka.

Iskuulada Darwiish iskuulka New Waabari oo maamulayaashooda Cusub yihiin ayaa la jaan qaaday   Hannaanka imtixaanaadka u baahanaa casriyayan iyo tayayn joogta ah si loo xaqiijiyo yoolasha iyo ujeedooyinka waxbarashada. iyo sare u qaadista aqoonta, xirfadda iyo wacyiga macallinku waxay saamayn toosa ah ku leedahay qiimaynota ubadkeenna. waxay kaloo xoojinaysaa nidaamka barbaarineed, qaadashada go’aanno caddaalad ah iyo gaaritaanka aqoon iyo asluub/dhaqan isu dheelli tiran.

Kormeeraha Guud iyo Xafiiska Imtixaamadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa aad u amaanay labada maamule oo isbadalka ku yimi bishii hore.

Kormeerkan imtixaanka Termka Ayaaa Gudoomiyaha Waxbarashada Xaashi Xuseen Faarax iyo Agaasimaha waaxda Tayo- dhowrka iyo Xafiiska imtixaamadka waxay u guurgaleen iskuulada kala ah Dugsiga hoose dhaxe ee Darwiish,Dugsiga New Waabari, Waabari iyo Maxamud aw cismaan ee Magalada Garowe.

Iyagoo iskuuladu tixgalinaya Warqadii ka soo baxday Xafiiska kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

 

Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_3211 IMG_3053 IMG_3056 IMG_3061 IMG_3068 IMG_3073 IMG_3077 IMG_3079 IMG_3086 IMG_3088 IMG_3090 IMG_3091 IMG_3093 IMG_3095 IMG_3097 IMG_3098 IMG_3099 IMG_3101 IMG_3102 IMG_3104 IMG_3106 IMG_3107 IMG_3110 IMG_3114 IMG_3116 IMG_3118 IMG_3120 IMG_3123 IMG_3125 IMG_3128 IMG_3130 IMG_3132 IMG_3134 IMG_3138 IMG_3141 IMG_3144 IMG_3147 IMG_3148 IMG_3149 IMG_3152 IMG_3154 IMG_3156 IMG_3158 IMG_3165 IMG_3166 IMG_3170 IMG_3173 IMG_3176 IMG_3177 IMG_3178 IMG_3184 IMG_3185 IMG_3186 IMG_3188 IMG_3190 IMG_3191 IMG_3193 IMG_3195 IMG_3197 IMG_3199 IMG_3201 IMG_3208

By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

 

Scroll to Top