Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo qabatay tababar ku saabsan kor u qaadista aqoonta kormeerayaasha Wasaaradda.

21/10/ 2017- Shirkaas oo socday mudo dhan 5 casho ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay kormeerayaasha gobolada iyo degmooyinka iyo shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

tababarka ayaa waxa uu ku saabsanaa tayaynta waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaana ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha waaxda tayaynta iyo tayadhowrka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane C/qaadir Yuusuf Nuux wuxuuna sheegay in tababarkaan ahmiyad gaar ah u leeyahay tayaynta waxbarashada iyo ka warqabka agabka waxbarashada ee degaanada Puntland.

Mudane Nuux ayaa sheegay in ujeedada tabaabarku yahay qodobada hoos kuxusan:

  • Kor uqaadista aqoonta kormeerayaasha waxbarashada.
  • Mideynta agabka loo isticmaalo kormeerada gobolada.
  • Soo saarista hal form oo ka kooban dhamaan qodobada lagu kormerayo Dugsiyada waxbarasho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed C.qaadir Cismaan ayaa la dardaarmay dhamaan kasoo qaybgalayaashi tababarkaan wuxuuna ku adkeeyey in la hubiyo tayada looga baahanyahay waxbarashada Puntland, lana joogteeyo kormeerada waxbarashada dhamaana deganada Puntland.

Barnamijkaan ayaa qayb wayn ka ahayd hay’adda AET Waxaana Masuuliyiinta Hay’adda AET balan qaadeen inay joogtaynayan Tababarada noocan ah.

Hoos ka Daawo Sawiradda.

IMG_2215 IMG_2216 IMG_2217 IMG_2218 IMG_2219 IMG_2220 IMG_2221 IMG_2186 IMG_2187 IMG_2188 IMG_2189 IMG_2192 IMG_2193 IMG_2196 IMG_2197 IMG_2200 IMG_2202 IMG_2203 IMG_2204 IMG_2208 IMG_2209

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top