Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo qabatay soo Bandigida Qorshaha shanta Sano ee Waxbarshada Puntland

10/Agosto/2017- Maalmihii la soo dhaafay Wasaaraddu waxay ku mashquulsanayd shirar ay yeesheen masuuliyiinta xarunta dhexe iyo kuwa Gobolada/Degmooyinka Puntland.

Ujeedooyinka shirkaas waxay ahayeen labo qodob oo kala ah: qodobka kowaad: soo bandhiggida nuqulka ku qoran Af-Soomaaliga ee Qorshaha Qaybaha Waxbarashada ee Shanta Sano (2017-2021), isla mar ahaantaasna loogu dhaqmi lahaa una noqon lahaa tixraaca rasmi ah ee horumarinta iyo kobcinta waxbarashada Puntland. Qodobka Labaad: soo bandhiggida iyo sharaaxdka taageerada barnaamijka iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada.

Ugu horeyntii, shirkaan waxaa soo qayb galay  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Dr Maxamed Cali Faarax  iyo Agaasimha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Waaxyaha Waasaradda gaar ahaan Waaxda Mashaariicda iyo Waaxda Siyaasadda iyo Qorshaynta.

Sidaas darteed Waaxda Siyaasadda Iyo Qorsheynta waxay soo bandhigtay qorshaha shanta sano oo dhammaystiran kaas oo ay mudo sannad ah ku hawlanayd, wadatashi badana ay kala yeelatay hay’adaha kale ee dawliga ah, bahda waxbarashada, ururada rayidka ah iyo kuwa caalamiga ah ee arimaha waxbarashada ka shaqeeya.

Dhanka kale intii lagu guda jirtay intuu uu socday shirkan ayaa waxaa la soo bandhigay barnaamij cusub oo lagu taageerayo hawlaha waxbarashada kaas oo uu taageero dhaqaale ku bixinayo Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada ee afka qalaad loogu yeedho Global Partnership for Education (GPE). Barnaamijkani waxa uu taageero ka gaysanyaa saddex qaybood oo kala ah.

  1. Mudnaanta in la siiyo tayada waxbarista caruurta iyo kobcinta awooda artdayga waxbarashada ku jira.

Qaybtan waxay ka duulaysaa sidii loo gaari lahaa in la tababaro macalimiin tiradoodu dhan tahay 1,131 macalin oo isugu jira kuwo hada xirfada macalinimada ku shaqeeya balse u baahan in la sii baro taro iyo kuwo cusub oo loo qaadan doono sidii ay u baran lahaayeen mihnada macalinimada. Dhammaan macalimiintaasi waa kuwa dugsiyada hoose/dhexe. Sidoo kale waxaa jira in 270 maamule dugsi hoose/dhexe la tababari doono iyo in la qoro dhammaan buugaagta dugsiyada hoose dhexe si loo helo buuggii macalinka iyo kii ardaygaba.

 

  1. Dhiirigelinta sinaanta waxbarashada ee caruurta aan horay u helin fursad ay wax ku bartaan.

Qabtani waxay xooga saaraysaa sidii ardayda aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka waxbarasho (school fee) looga dabari lahaa. Waxaa ka faa’iidaysan doona arday gaaraysa 2,650 arday oo ah kuwo ka imaanaya qoysas sabool ah, rajo ama agoon ah, kuwo baahiyo gaar ah leh IWM.

  1. Nidaamyada waxbarasho oo waxtar iyo isla xisaabtan leh.

Qaybani waxay ka duulaysaa sidii loo horumarin lahaa nidaamka loo aruuriyo xogta waxbarashada Puntland iyada oo loo daadejinayo gobolada iyo degmooyinku in ay awood u yeeshaan in ay maareeyaan xogta sannad walba, sidii dabagalka tayo dhawrka waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, sidii loo horumarin lahaa nidaamka xisaabaadka iyo awoodaha kale ee wasaaradda.

 

Ugu dambayntii, waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorshaynta, Asma Abdulkadir, La taliyaha Waaxda Dr. Maxamed Cabdi Aadan iyo saraakiisha kale ee waaxda. Sidoo kale Waasaraddu waxay ka mahadcelinaysaa wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay hay’adaha gaar ahaan UNICEF iyo Save the Children.

     Hoos ka Daawo Sawiradda

IMG_0639IMG_0692IMG_0693IMG_0610IMG_0608IMG_0607IMG_0714IMG_0715IMG_0657IMG_0656IMG_0659IMG_0610IMG_0633IMG_0743
IMG_0753
IMG_0758IMG_0768IMG_0767IMG_0770IMG_0771IMG_0773IMG_0774IMG_0771IMG_0750IMG_0768

IMG_0752IMG_0747
IMG_0768

Madaxa isku Xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Deeq Maxamed Warasame.












 

 

Scroll to Top