Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo qabatay Shirka Dib u eegista Mashruuca Farasmada Gacanta (THE BRIDGES).

May/02/ 2018- Wasaaradaha Waxbarashada Somalia, Puntland, Jubaland, Galmudug, Hayadada CARE, Midowga Yurub (EU), Jaamacad Somali National University iyo Xarumaha farsamada gacanta Galkacyo, Kismaayo iyo Muqdisho ayaa isgu yimi kulanka dib loogu eedagyo mashruuca THE BRIDGES.

Kulan oo ay martigalinaysay Wasaarada waxbarshada Puntland waxaa shir gudoominayay wasiir ku xigeenka Wasarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ugu horeyn waxaa Kulankaan ka hadlay agaasimaha Farsamada Gacanta C/casiis Nuur ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya isagoo sheegay in barnaamijkan yahay mid ka fulay guud ahaan dowlad goboleedyada dalka oo dhan. Waxaa sidoo kale munaabada ka hadlay masuuliyiin ka socday Wasaardaha Waxbarshada Galmudug iyo Jubaland.

Elex oo matalaysay Midowga Yurub (EU) ayaa shirka ugasoo qayb gashay Video conference ahaan ayaa soo dhaweysay guulaha uu mashruucan gaaray 6dii bilood ee lasoo dhaafay iyo ada shaqaynta kala dhaxaysa Wasaraada Waxbarashada maamul Goboleedada.
Wasiir klu xigeen Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Dr. Mohamed Ali faraax oo shirka furay ayaa soo dhaweeyay martida ka timi goblada ugana mahadceliyay kasoo qaybg galka shirka, wasiirku wuu ka hadlay muhiimada uu mashruucaan uleeyahay guud ahaan Somalia Gaar ahaan Puntland.

Mashruuca THE BRIDGES oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub iyo hay’adda Care International ayaa ah mid lagu horumarinayo farsamooyinka gacanta gaar ahaan farsamooyinka la xiriira Dhismaha Jidadka iyo Ka faaiddaysiga Tamarta dabiiciga ah.

Mashruucan oo soo bilowday 2016kii waxaa ujeedkiisu yahaya in 500 dhalinyaro soomliyeed lagu tababaro dhismaha jidadka iyo ka Soolarka ayaa soconaya mudo 3 sano.

Masuuliyiinta kasoo qayb galay shirka ayaa isla jeexjeexaya wax yaabihii qabsomay 6dii bilood ee lasoo dhaafay iyo qorshayaasha 6da bilood ee soo socota iyo hadi ay jiraan wax caqabado ah oo soo wajahay mashruuca, waxay sidoo kale warbixino ka dhagaysan doonaan masuuliyiinta xarumaha farsamada gacanta somaaliya heerku uu umarayo tababarka.

shirkaan ayaa horay uga dhacay sanadkii hore Maamul Goboleedka Jubaland Xaruntiisa Magalada Kismaayo ayaa aha wajigii labaad oo lagu qabato Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee dowlada Puntland.

IMG_6904
IMG_6906
IMG_6908 IMG_6909 IMG_6910 IMG_6911 IMG_6912 IMG_6913 IMG_6914 IMG_6916 IMG_6917
IMG_6919 IMG_6920 IMG_6921 IMG_6922
IMG_6924 IMG_6925 IMG_6926 IMG_6928 IMG_6929 IMG_6930 IMG_6931 IMG_6932 IMG_6933 IMG_6934 IMG_6935 IMG_6936 IMG_6937 IMG_6938 IMG_6939 IMG_6940 IMG_6941 IMG_6942 IMG_6944 IMG_6943

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top