Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo Qabatay Dib- u eegidda Mashruuc Waxbarashadda Gabdhaha.

07/May/2015-Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland  ayaa maanta furtay Dib u eegida  ku saabsan Mashruuca kobcinta iyo baahiyaha waxbarasho ee gabadhaha, kasoo qeyb ka ah mashruuca waxbarashada gabdhaha ay Taageeraya UK- Girls’Education Challenge.

Masharuucan ayaa Waxaa ku midaysan labadda Hayadood  oo kala ah CARE iyo ADRA  islamarkaana Waxaa u siifuliya NGO’ Maxaliga ah Sida Ee SVO, Rahma iyo Tass.

barnamijkaa ayaa Waxaa uu ka shaqeeyaa 8 Gobol marka laga reebo Gobolka Nugaal Waxana mustaqbalka dhow samaynyaan 50 Dugsi hoose/dhaxe, 8 Dugsi Sare iyo Hal dugsi Sare oo isku jira Jiif, Hoyi iyo Cunto oo loo yaqaan (Boarding Secondary school).

Barnamijkan dib u eegida Masharuucan aayaa Waxaa ka qayb galay Agaasimayaal   waaxeed yadda kala duwan iyo Qaybo ka mid ah  shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland..

Ugu horayntii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa Furitaanka Barnamijkaan Ku sheegay  qiimaha weyn ugu fadhiyo Wasaarada Waxbarashada iyo hay’adaha maal galiyay,  isagoo intaas ku daray inay ka qeyb galayaasha ka sugayaan inay si dhab ah uga faa’idaystaan kulankaan Maanta la isugu yimi,

Wuxuu sheegay Agaasimuhu inay  ku faraxsan yihiin dadaalada socda ee lagu hormarinayo waxbarashada gabdhaha oo uu ku tilmaamay arin muhiim ah oo qeyb weyn ka ah siyaasada waxbarashada Puntland.

Wakiilo  ka socday hay’adahaan   ayaa sheegay ujeedadda barnaamijkaan inuu yahay sidii loo darsi lahaa caqabadaha gabdhaha kasoo wajaha dhinaca waxbarashada iyo sida looga gudbi karo iyo sidoo kale macluumaad badan oo la xiriira horumarinta waxbarashada dumarka.

sidoo kale in wacayigalinta Bulshad si ay  u taageeraan Waxbarashadda Gabdhaha.

Iyo  in Tababaro  iyo Gunnadda Macalimiinta Dumarka in laga Taageero iyo Dhismayaasha iyo dayactirka dugsiyada.

Iyo inay Dumarku Ka Qayb  Qaataan  hormarka iyo Siyaasada Waxbarashadda Dumarka.

  Daawo Sawiradda

IMG_0569 IMG_0574 IMG_0573 IMG_0572

 

IMG_0570 IMG_0571

IMG_0574 IMG_0573 IMG_0572 IMG_0571

IMG_0574 IMG_0573 IMG_0571 IMG_0570

IMG_0574 IMG_0573 IMG_0572 IMG_0571

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top