07/Sep/2017- Wasaarada Waxabrashada iyo Tacliinta sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Gudiga Shaqaalaah Rayidka ah ee Dawlada Puntland oo saaka si wada jir ah  imtixaan uga qaaday 26 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawlada Puntland kuwaas oo fariistay imtixaanka lagu kala reebayo  dadka loo qaadaanayo waxabrashada heerka labaad ee dawlada Ethiopia ugu deeqday dawlada Puntland.

Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawlada Puntland  Barni Ciise Axmed oo goobta ka hadashay waxay cadaysay in xulida shaqaalaha laga soo maray hawl badan ayna isla xuleen gudi ka kooban Wasaarada Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hay’ada Shaqaalaha rayidka ah ee Dawlada puntland, qof walbana laga hubiyey shahaadada uu wato iyo payroll-kiisa shaqaalanimo ugu damayna la xushay ardada saaka nasiibka u heshay in ay imtixaanka u farisato.

Waaxda imtixaamaadka e WW&TS oo kaashanaysa Prof, Siciid Faahiye lataliyaha Tacliinta sare ee WW&TS oo soo diyaariyey imtixaanka ayaa balan qaaday in arday walba uu heli doono natiijada siduu uga shaqeeyo imtixaanka aysana dhacayn in qofna waayo dhibco uu mudnaa midna uu helo dhibco uusan mudnayn, qof walbana helayo natiijada imtixaanki uu galay.

Ugu danbayn gudoomiyaha Gudiga deeqda waxabrashada shaqaalaha dawlada ahna Agaasimaha guud ee WW&TS Maxamed C/qaadir Cismaan oo ka hadlay furitaanka imtixaanka wuxuu ku dhiirageliyey ardada fadhida imtixaanka in ay u galaan si hufnaan ah qof walbana ku kalsoonaado aqoontiisa maadaama imtixaanku yahay qiimayn qofka lagu qiimeynayo in uu u qalmo u gudbida heerka labaad ee waxabrasaho.

Agaasime Maxamed C/qaadir  waxa uu cadeeyey in fursada waxabrasho ee ardadu u fadhido imtixaankiisa ay soo codsadeen boqolaal shaqaalaha dawlada ah,lakiin ay nasiib u yeesheen 26-ka arday ee maanta fadhida in ay u soo gudubto wareega labaad ee lagu kala harayo kaas oo ah imtixaanka saaka loo fadhiyo, kuwa hada fadhiyana ay ku sii kala hari doonaan imtixaanka ugu damayna ay gudbi doonaan 15-ka arday ee ugu saraysa natiijada ka soo baxda imtixaanka.

Waa sanadkii lixaad ee Dawlada Ethiopia ay deeq waxbarasho oo heerka laabd ah u fidiso shaqaalaha dawlada Puntland midaas oo sare u qaaday aqoonta shaqaalaha dawlada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

DSCF0161 - Copy DSCF0162 - Copy - Copy DSCF0163 - Copy - Copy DSCF0164 - Copy - Copy DSCF0170 - Copy - Copy DSC08470 - Copy DSC08476 - Copy - Copy DSC08477 - Copy DSC08484 - Copy - Copy DSC08484 - Copy (2)DSCF0183DSCF0125DSCF0126DSCF0174DSCF0178DSC08486 - Copy - Copy
DSCF0128DSCF0142DSCF0149DSCF0150DSCF0177DSCF0184DSC08467 - Copy
DSCF0135 - Copy - Copy
DSCF0145 - Copy - Copy DSCF0146 - Copy - Copy DSCF0147 - Copy DSCF0152 - Copy - Copy DSCF0152 - Copy DSCF0153 - Copy - Copy DSCF0155 - Copy DSCF0160 - Copy - Copy DSCF0161 - Copy - Copy

By: Deeq Hurevov.

Madaxa Isku-xirka Wasaarada Waxbarasha iyo Tacliinta Sare.

Please follow and like us: