Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Magalada buur-salax ka hergalisay Boarding kobcinta Waxbarashada gabdha ah.

20/oct/2016-  Wasiirk ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan  ayaa  kormeer  ku tagay degmada xarfo iyo dhagax  dhig  loogu talo galay inuu qeyb ka qaato dardar gelinta iyo haqabtirka kobcinta  waxbarashada gabdhaha  ee ardayda magaalada buur saalax oo ah  (Girls boarding school.)

Dusgigaan sare ayaa ah qeyb cusub oo lagu kordhiyay  Magalada buursalax , kasoo horay u ahaa boarding wiilasha kaliya ahaa.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud iyo Gudoonka Waxbarshada Gobolka ayaa waxay kalo dhagax dhigeen Dugsi farsamada Gacanta ah ee magalada buursalax.

Sababta loogu kordhiyay dugsigaan sare ayaa lagu sheegay inay tahay, si ardayda dugsigaas ka baxdo fursad ugu helaan inay isla dugsigooda ka helaan waxbarasho dugsi sare ah. sababtoo ah ma jiraan dugsi sare oo bourding ah oo ka agdhow aaga, iyadoo ardayda dugsigaas ka baxdana ay ku khasbanaayeen inay degmooyinka iyo tuulooyinka u dhow dhow ka soo adan.

Iyo qorshaha wasaaradda ah oo lagu xaraynayo gabdho badan oo meeshaa wax ka baranaya

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa u mahad celiyay hay’adda CARE oo maalgelinaysa mashruuca lagu dhisayo dusgiga sare baurding ah , wuxuuna sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay sida wasaaradda waxbaraashadu ugu heelan tahay horumarinta waxbarashada.

Wasiirku wuxuu sheegay inay haatan wasaaradda waxbarashadu dhismayaal waxbarasho ka wado guud ahaan Puntland gaar ahaan dhulka xeebaha ku teedsan oo la doonayo in kor loosoo qaado waxbarashadooda.

Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigenka waxbarashada  oo ay kormeerka  ku wehliyeen gudoomiyaha Gobolka Waxbarashada  iyo gudoomiyaha Gobolka mudug   ayaa goobaha uu tagay wuxuu ka jeediyay qudbado kala duwan oo uu kula hadlayay ardayda iyo maamulka waxbarashada isagoo ku dhiiri galiyay in kor loo qaado tayada waxbarashada islamarkaana ay wasaaradu garab istaagnaandoono.

Maamulka Macalimiinta iyo ardayda ayaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirka ku xigeenka iyo Agaasimhaa guud iyagoo aad ugu faraxasnaa booqashada ay ku yimaden Magalada xarfo iyo buursalax.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbaarshada iyo Tacliinta sare  wuxuu sheegay inay wasaaradiisu ka go’an tahay in xoojiso waxbarashada Puntland iyadoo  ay tusaale u tahay kormeerka uu ku marayo Degmadda xarfo iyo buursalax.

Agaasimaha guud iyo Wasiirka ayaa dhabaal hablayo u diray bulshadda ku dhaqan buur salax say wax u qabasaden iyo hormarka ay gaareen 15tii sano oo ugu danbaysay.

Daawo Sawiradda.

img_3845 img_3825 img_3826 img_3831 img_3837 img_3841 img_3843 img_3855 img_3848 img_3849 img_3851 img_3853 img_3854 img_3925 img_3867 img_3868 img_3871

img_3882 img_3897 img_3908 img_3909 img_3927 img_3930 img_3933 img_3941 img_3942 img_3944 img_3945 img_3952 img_3953 img_3957 img_3959 img_3960 img_3961 img_3980 img_3991 img_3997 img_4031 img_3854 img_3968 img_4003img_4009img_4010img_4011img_4012img_4015img_4016img_4019img_4020img_4021img_4023img_4025img_4029img_4143img_4041img_4042img_4043img_4044img_4046img_4049img_4050img_4052img_4053img_4055img_4057img_4058img_4059img_4060img_4061img_4063img_4065img_4068img_4077img_4071img_4081img_4080img_4084img_4102img_4112img_4134img_4137img_4132img_4123img_4138img_4140img_4142img_4096img_4307img_4102img_4171img_4169img_4168img_4162img_4160img_4159img_4174img_4175img_4176img_4178img_4180img_4181img_4182img_4189img_4193img_4198img_4199img_4200

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top